Komishanka Cusub Ee Doorashooyinka Somaliland Oo Lagu Wado In La Ansixiyo Sabtida

0
Wednesday November 26, 2014 - 13:39:55 in by salman abdi
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Cusub Ee Doorashooyinka Somaliland Oo Lagu Wado In La Ansixiyo Sabtida

    Komishanka cusub ee Doorashooyinka Somaliland ayaa lagu wadaa inay Sabtida Ansixiyaan Aqalka Wakiilladu, si xubnuhu howsha diyaarinta qabsoomida doorashada u gudo galaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Komishanka cusub ee Doorashooyinka Somaliland ayaa lagu wadaa inay Sabtida Ansixiyaan Aqalka Wakiilladu, si xubnuhu howsha diyaarinta qabsoomida doorashada u gudo galaan.


Toddobada xubnood ee Komishanka cusub ayaa wax la magacaabay bishii October ee aynu ka soo gudubnay, waxaana ansixintooda saameyn ku yeeshay Khilaafkii Guurtidu xalisay ee Golaha Wakiillada.

 


Guddida cusub ayaa marka Golaha laga ansixiyo, waajahaya la wareegista xarunta laga maamulo Doorashooyinka dalka taasoo bar-bilow u noqonaysa howlaha culus ee horyaalla.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa salaasadii shalay Wariyeyaasha u sheegay in qabyada dhinac Somaliland ee tabaabushaha Doorashadu ay tahay laba qodob oo horyaala Hay’addaha Xeer-dejinta.

Waa Ansixinta Guddida Doorashooyinka oo uu sheegay inay Wakiilladu sabtida dhamaystirayaan iyo Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga iyo Codbixiyeyaasha.

Guddoomiye ayaa sheegay in daneeyayaasha Dimuquraadiyada Somaliland niyad-wanaag ku qabaan in xilligeeda ay dhacdo Doorashadu. "In Doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto Beesha Caalamkuna way taageersan tahay, Bulshadeenuna way taageersan tahay,waxaanuna ka wada hadalay Arinta Komishanka iyo Xeerka Diwaangalinta ee Guurtida ku maqan. Markaa Komishanka Sabtida ayaa la ansixin doonaa, Xeerkuna waa ka guurtida ku maqan labadaas ayuun baana inaga inagu qabyo ah”ayuu yidhi Cirro oo faahfaahin ka bixinayay kulan uu la yeeshay Saraakiil ka socda Waaxda Arrimaha Dibada ee Ingiriiska.

   

Contact@afkashacabka.com