Daacish Oo La Ogaaday Inay Lacago Farabadan Oo Madax Furasho Ah Hesho.

0
Wednesday November 26, 2014 - 13:51:44 in by salman abdi
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacish Oo La Ogaaday Inay Lacago Farabadan Oo Madax Furasho Ah Hesho.

    Kooxda Daacish ayaa $35 Milyan ilaa $45 Milyan oo madax furasho ah ka heshay qoysaska dad ay qabsatay kooxdu, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay'ada ka hortaga argagixisada ee Qaramada Midoobay oo iyadu sheegtay in hawlgalada afduubku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Daacish ayaa $35 Milyan ilaa $45 Milyan oo madax furasho ah ka heshay qoysaska dad ay qabsatay kooxdu, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay'ada ka hortaga argagixisada ee Qaramada Midoobay oo iyadu sheegtay in hawlgalada afduubku ay aad u sii kordheen.


 


 


Warbixinta ayaa lagu sheegay in Daacish lacagta ay ka heshay dadka ay qabsatay ay tahay mid aad u farabadan marka la barbar dhigo kooxaha kale ee ka tirsan ururka Al-qaacida ee ka dagaalama Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Africa, oo ay ka mid yihiin kooxaha Al-qaacida ka tirsan ee ka dagaalama Maqrib oo iyagu la sheegay in ay heleen $75 Milyan oo lacag madax furasho ah 4tii sano ee la soo dhaafay.

Lalji Yotsna, oo ah khabiir la socda cunaqabataynta saaran Al-qaacida ayaa golaha amaanka gudiga uugu xilka saaran arimaha argagixisada maalinimadii Isniinta u sheegay in $120 Milyan oo lacag madax furasho ah la siiyey kooxo argagixiso ah intii u dhexeysay 2004-2012.



Contact@afkashacabka.com