Xaflad Soo dhawayn ah oo Magalaada London loogu sameeyay, Badhasaabka Gobolka Aw-dal. - Mudane Abdoo Aayir

0
Wednesday November 26, 2014 - 13:54:40 in by salman abdi
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaflad Soo dhawayn ah oo Magalaada London loogu sameeyay, Badhasaabka Gobolka Aw-dal. - Mudane Abdoo Aayir

    Mudane Abdoo aayir wuxuu si sharaf leh ugu Mahad naqay dhamaan Dadkii Casuumay ee martiqaaday iyo intii kasoo qayb Xaflad Soo dhawayn ah oo Magalaada London loogu sameeyay, Badhasaabka Gobolka Aw-dal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane Abdoo aayir wuxuu si sharaf leh ugu Mahad naqay dhamaan Dadkii Casuumay ee martiqaaday iyo intii kasoo qayb Xaflad Soo dhawayn ah oo Magalaada London loogu sameeyay, Badhasaabka Gobolka Aw-dal.


Waaxaa soo dhawayn meeqaam sare leh lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Abdoo Axmed Maxaxmed Aadan (Abdoo Aayir ) waxaa soo dhawayntan si qiimo leh u soo agaasimay GudoomiyahaOrganisationka OSCA Abdisamed Saleebaan Cilmi, waxaa kaleoo kulankani lahaa farxad dheerada oo ka muuqatay kasoo qayb galayaashii waxaana ka soo qayb galay baddiba masuuliyiinta Reer Somaliland ee Magaalada London, Waxaa hadalka furay oo dadka soo dhaweeyay xidhiidhiyaha Madasha oo ahaa Gudoomiyaha Martiqaadka Shirkan Abdisamed waxaanu u mahad celiyay intii kasoo qaybgashay soo dhawayntan Diiran ee loo sameeyay Gudoomiye Abdoo Aayir.

Waxaa halkaas ka hadlay Dad badan oo isugu jira masuuliyiin Sar sare oo ka socday Xisbiga Kulmiye iyo Jaalliyada London ee Reer Somalilad, dhamaan dadkaasi waxay iska daba mareen Abdoo inuu yahay Geesi dalkiisa iyo Dadkiisa wax badan oo la taaban karo u qabtay hadii ay tahay Gobolkii Togdheer ee uu ka ahaa Badhasaabka oo wax badan ka qabtay iyo Gobolkan hadda uu joogo ee Boorame oo isna uu ka qabtay wax badan oo muhiima, ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay Oday Xuseen Xagar oo ku dheeraaday Somaliland iyo horumarka ay gaadhay isla markaana ku guubaabiyay Reer burco inay ka dheeraadaan kana fogaadan Qabyaalada iyo dibu-dhaca ku imaan kara Gobolka togdheer iyo guud ahaan Somaliland.

 

Waxaa kale oo halkaas ka hadlay Oday Faarax Xasan oo isna Soo dhawayn iyo Hambalyo u diray Badhasaabka Boorame Abdoo Aayir isagoo ku dhiiriyay inuu halkas kasii wado Daacadnimada iyo kartida alle ku manaystay.

Waxaa hadalkii soo Gunaanaday Gudoomiyaha Gobolka Awadal Mudane Abdoo Aayir oo War bixin Waafiya oo hufan siiyay Dadkii Madasha fadhiyay, gudoomiyuhu wxuu si qotodheer ugu waramay marxaladaha Dalku maraayo oo ku tilmaamay halkii abid igu wanaagsanayd ee somaliland gaadhay, isagoo hadalkiisii sii wata waxaa uu Amaan Baaxad leh Aamanay Wax qabadka Dawlada iyo horumarka ay gaadhsiisay dhamaan Dalkii Somaliland.

Mudane Abdoo aayir wuxuu si sharaf leh ugu Mahad naqay dhamaan Dadkii Casuumay ee martiqaaday iyo intii kasoo qayb gashay Xaflada lagu soo dhawaynaayay waxaanu ku guubaabiyay inay Dalkooda iyo Dadkooda sidii markii horeba wax ay ugu tari jireen hadana wax u taraan isla markaana ay ka qayb qaataan horumarinta Dalkooda.   



Contact@afkashacabka.com