Natiijooyinka Kulamadii Ay Ciyaaren Kooxaha Qaarada Yurub Ee Champions League + Sawiro

0
Wednesday November 26, 2014 - 14:57:44 in by Burco Office
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijooyinka Kulamadii Ay Ciyaaren Kooxaha Qaarada Yurub Ee Champions League + Sawiro

    Haveenkii xalay waxa la ciyaaray qayb kamida ah kulamda championka wareegyada group-ada ah halkan ka akhriso natiijada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haveenkii xalay waxa la ciyaaray qayb kamida ah kulamda championka wareegyada group-ada ah halkan ka akhriso natiijada

aguero3

Sergio Aguero ayaa kooxda Man ciy ku hogaamiyay guul taarkiihi ah, Aguero oo kulankan saddexley ka dhaliyay ayaa kooxdiisa u suurtogaliyay inay ka baxsato ceeb aan waligeed ka hadheen taas oo ah in koox 10 ciyaartoy ku ciyaaraysaa ay gurigeeda kaga badiso isla markaana Champions Leaquega kaga reebto. Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3:2 ay City guusha ku gaadhay.

Kooxda Manchester City ayaa gurigeeda Etihad Stadium ku soo dhawaysay kooxda Bayern Munich oo iyadu xili horeba ka soo baxday grougeeda.

download

 

Manchester City ayaa kulankan ciyaaraysay iyadoo og natiijada barbaraha ah ee ay ku kala baxeen CSKA Moscow iyo Roma, waxayna doonaysay inay fursadaa ka faa’iidaysato isla markaana ay jamaahiirteed aiyo ciideeda guul kaga gaadho kooxda Pep Guardiola.

Man City ayaana ciyaarta ku bilaabatay dardar xoogleh, daqiiqadii 20 aad ayay ciyaartu waji kale yeelatay kadib markii uu Medhi Benatia qalad ku galay Sergio Aguero oo ku jira xerada ganaaxa Bayern Munich, garsooraha ciyaarta ayaana tilmaamay rekoodhe halka uu ciyaarta ka saaray Benatia.benatia

Aguero laftiisa ayaana rekoodhahaas  qaatay isla markaana gool u badalay , wuxuuna natiijada ciyaarta ka dhigay 1:0 ay City hogaanka kula wareegtay.aguero1

Benatia ayaana ahaa difaaca ugu danbeeya wuxuuna sidaa ku qaatay kaadha cas oo toos ah, intaa wixii ka danbeeyayna waxay Bayern Munich ku ciyaaraysay 10 ciyaartoy. Bayern Munich ayaan madax hoos u foorarinin balse waxayba ciyaartoyga laga saaray ka sii qaaday dardar horleh waxayna daqiiqadii 40 aad ayuu  Xabi Alonso kooxdiisa Bayern Munich u dhaliyay goolka barbarha.

Alonso ayaa meel goolka City u jirta 25 yards ka soo tuuray laaga xorta ah oo loo dhigay, wuxuuna kooxdiisa ugu dhaliyay goolka ay City kula barbaraysay. Alonso ayaana goolkaas guu dabaal dagay maalinta dhalashadiisa, isaga oo noqday 33 jir.qaybtii hore ee ciyaarta ayuu Alonso oo kaliya ka kubbad dhiib badnaa dhamaan ciyaartoyda City oo dhan. Alonso ayaa dhiibay 70 aad kubbadood halka ay ciyaartoyda City oo dhami isku dhiibeen 59 kubbadood .

Daqiiqadii 45 aad ee dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta ayuu Robert Lewandowski kooxdiisa u dhaliyay gool madax ah kaas oo ay Bayern Munich hogaanka kula wareegtay. kubbad uu meel fog ka soo tuuray Jerome Boateng ayuu Lewandowski ka dhex qaatay Vincent Kompany  iyo Bacary Sagna, sidaana wuxuu ciyaarta kaga dhigay 2:1 ay Bayern Munich oo 10 ciyaartoy ku ciyaaraysay ay hogaanka kula wareegtay.qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2:1 ay Bayern Munich ciyaarta hogaankeeda kula wareegtay.1

Qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Man city dib isku soo canaanatay, waxayna ogayd in wax aan guul ahyn loogu garaabayn haddii ay 10 ciyaartoy oo ay gurigeedii ku ciyaaraysaa ka guulaystaan. Aguero ayaa markale kooxdiisa City u keenay goolka barbaraha. goolkaas ayaana nafta ku soo celiyay City oo u muuqatay inay macasalaamaynayso Champiosn Leaquega. Aguero ayaana goolka barbaraha City u dhaliyay daqiiqadii 85 aad ee dhamaadkii ciyaarta.

Aguero

Dhamaadkii ciyaarta ayuu Markale Aguero kooxdiisa  Man city u dhaliyay goolka guusha isla markaana xaalda Etihad Stadium gilgilay . City oo dhawr daqiiqo u jirtay inay ka hadho horyaalka Yurub ee Champions Leaquega ayuu Aguero u dhaliyay laba gool oo daran doori ah, sidaana wuxuu ugu horaamiyay guul taariikhi ah oo ayna waligeed jamaartaCity hilmaami doonin. Sergio Aguero ayaa 10 gool oo Champions Leaquega ah u dhaliyay City 11 kulan oo uu u saftay taniyo xili ciyaareedkii hore.ugu danbayn ciyaarta ayaan ku soo dhamaatay 3:2 ay City guushu ku raacday.

Chelsea Oo Schalke04 Gurigeeda Ku Soo Xasuuqday Iyo Chelsea Oo La Qaban Laayahay

chel

Kooxda Chelsea oo marti u ahayd kooxda Jarmalka ah ee Schalke 04, ayaa xasuuq xun ugurigeeda ugu soo gaysatay, Chelsea ayaana 5:0 ku xaaqday kooxda ay martida u ahayd ee Schalke. Waxaana Chelsea goolasha u kala dhaliyay Terry, Willian, Drogba, Ramires halka uu goolka kale ahaa mid uu iska dhaliyay Kirchhoff.

Chelsea ayaa Schalke 04 ku soo booqatay gurigeeda Veltins Arena, waxayna markii ugu horaysay ka hor timif tababarihii u qaaday koobkan ay hadda u tartamayso ee Champions Leaqeuga.

Di Mateo ayaa  hadda macalin u ah kooxda ree Jarmal e Schalke 04, wuxuuna ku hamiyayaa inuu kooxda u soo saaro wareega 16 ka.

Chelsea ayaa dhinaaceeda doonaysay inay guul muhiim ah ka soo gaadho kooxda Schalke is ay iskaga xaadiriso wareega 16 ka kooxood ee Champions leaquega. Chelsea ayaana daqiiqadii 2 aad ee ciyaartaba hogaanka la wareegtay kadib markii uu kabtan John Terry gool madax ah u dhaliyay.terry

Terry ayaa kubbad uu koorne ka soo tuuray Fabregas kooxdiisa goolka furitaanka ugu dhaliyay, wuxuuna natiijada ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Chelsea xili hore hogaanka kula wareegtay.Goolka uu Terry dhaliyay ayaa ah goolkii ugu dhakhsaha badnaa ee ay Chelsea abid Champions Leaquega ka dhaliso.

Willian ayaa daqiiqadii 29 aad Chelsea hogaanka udheerayay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Chelsea hogaanka ku dheeraysatay. Willian ayaan kooxdiisa uga faa’iideeyay kubabd fiican oo uu ka helay  Eden Hazard.willian

daqiiqadii 43 aad ayuu kubbad koorne ah oo uu soo tuuray Fabregas ayuu Kirchhoff iska dhaliyay waxayna Chelsea sidaa ku heshay goolkeeda sadexaad.qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 3:0 ay Chelsea hogaanka ugu raaxaysnayso.

Markii laysugu soo noqday qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Chelsea halkeeda ha sii waday xasuuqa ay ku haysay kooxda Schalke, waxayna goolka afraad la timdi daqiiqadii 76 aad, waxaana goolkaas u dhaliyay Drogba oo ciyaarta badal ku soo galay.drogba

laba daqiiqado kadib ayuuna Ramires sii raaciyay goolka shanaad ee ay Chelsea ka dhalisay kooxda Schalke, Didier Drogba ayaana markiisa caawiye ka noqday goolka Ramires, ciyaarta ayaana noqotay 5:0 ay Chelsea ku dhibaataysanyso kooxda ree Jarmal ee Schalke04. Costa ayaan ku guuldraystay inuu wax gool ah dhaliyo laakin Drogba oo lagu soo badalay ayaa ka saamayn batay.Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 5:0 ay Chelsea ku xasuuqday Schalke04.chelsea

Berezutskiy Oo Daqiiqadii Ugu Danbaysay Ee Waqtiga Dheeriga Ah Roma Ka Horjoogsaday Inay Saddexda Dhibcood Ka Qaadato CSKA Moscow

totti

Kooxda Roma ayaa marti u ahayd kooxda Ruushka ee CSKA Moscwo, waxayna doonaysay Roma inay booska labaad ka riixato kooxaha CSKA Moscow iyo Machester City oo ay kuwada loolamayaan kaalinta labaad ee Groupkan.Roma oo kulankii hore CSKA Moscow si xun uga soo badisya ayaa doonaysay inay markale ku celiso guul daradii hore oo kale.

Roma ayaana qaab ciyaareed fiican kulanka ku bilaabatay waxayna fursad u heshay inay ciyaarta hogaanka u qabato daqiiadii 43 aad ee qaybtii hore ee ciyaarta, waxana gool laaga xorta ah ka yimid kooxdiisa u dhaliyay khabiirka gool dhalinta ku takhasusay ee Francesco Totti . Totti ayaana gool aad u qurux badan Roma u dhaliyay taas oo uu goolhaye  Igor Akinfeev ku guuldaraysay inuu kooxdiisa ka badbaadiyo. ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay Roma ciyaarta ku hogaaminayso.qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku dhamaatay 1:0 ay Roma hogaanka ku hayso.ttt

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Roma halkii ka sii waday qaab ciyaareedka fiican ee ay kulankan ku bilaabatay waxayna samaysay fursado ay goolal badan ku dhalin lahayd. Daqiiqadii 80 aad ayay fursad dahabi ah iska qasaarisay waxaana kubbad fiican oo ay ka soo shaqeeyeen Iturbe iyo Ljajic ayuu goolahaye Akinfeev ayaa fursadaa ka badbaadiyay.

Markii uu dhamaaday waqtigii rasimaga ahaa isla markaana uu garsooraha ciyaartu isku diyaarinayo inuu dhameeyo ciyaarta ayay CSKA Moscwo heshay  goolka barbaraha waxaana u dhaliyay Vasiliy Berezutskiy , ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barabro  1:1 ah. Roma iyo CSKA Moscwo  yaa hadda ka warsugaya kulanka dhex mari doona kooxaha Man City iyo Bayern Munic

contact@afkashacabka.com