"Dunidu Markay Arkeen In Aynu Wax Qabsan Karno Ayey U Kala Badinayaan In Ay Wax Inala Qabtaan"WasiirXirsi

0
Wednesday November 26, 2014 - 21:30:26 in by salman abdi
  • Visits: 852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dunidu Markay Arkeen In Aynu Wax Qabsan Karno Ayey U Kala Badinayaan In Ay Wax Inala Qabtaan"WasiirXirsi

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay sida ay xukuumaddu horumar uga samaysay dedaalka loogu jiro hagaajinta iyo dhisidaa waddooyinka dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay sida ay xukuumaddu horumar uga samaysay dedaalka loogu jiro hagaajinta iyo dhisidaa waddooyinka dalka.


 

 Wasiirka oo ka mid ahaa wafti wasiiro ah oo Madaxwaynaha Somaliland ku wehelinayay safarka uu ku tegay Gobolka Saaxil ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facebook-ga waxa uu ku sharraxay arrintaas waxaana uu yidhi:

 


"Dabkii Baxaya ayaa Dab Lagu Qabsadaa, Dunidu-na Markay Arkeen in aynu Wax qabsan karno ayey u kala Badinayaan in ay wax inala Qabtaan”

Dhamaystirka Wajigii uugu Dambeeyey ee Dayactirka Jidka Hargeysa – Berbera oo Maanta ka Bilaabmay Degmada Xamaas iyo bilowga Dayactirka Jidka isku Xidhaya Berbera – Sheekh oo la Shaaciyey.

Subaxnimadii Saaka ayaa wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somliland oo aan ku wehelinayno xubno kamida golihiisa Wasiirada, Xildhibaanada labada gole ee Sharci dejinta iyo Guurtida iyo masuuliyiin kale u amba-baxnay degmada Xamaas ee Gobolka Saaxil.

Ujeedada socdaalkan ayaa ahaa sidii loo bilaabi lahaa wajigii uugu dambeeyey ee jidka isku xidhaya Hargeysa iyo Berbera oo mudooyinkii u dambeeyey dayactir baaxad badan ka socday.

Wajigan uugu dambeeya ayaa waxaa laga maalgelinayaa
Sanduuqa Horumarinta Somaliland "SDF” isla markaana wuxuu noqon doona mid isku xidhaya Xamaas – Berbera – Sheekh taasi oo macnaheedu yahay in la samayn doono in ka badan 55km oo jid daamur ah "Asphalt”

Sidoo kale waxaa qorshaysan in dhawaan Sanduuqa Horumarinta Somaliland laga maalgeliyo jidka isku xidha Dilla – Kalabaydh oo dhan 19km kadib markuu burbur badan ku yimid.

Maalgelintan Waddooyinka ayaa noqonaysaa mashruucii uugu horeeyey ee ka soo baxa Sanduuqa Horumarinta Somaliland "SDF” taasi oo markhaati u noqonaysa dedaalka badan ee aan ka samaynay dhanka Waddooyinka dalka isla markaana hoosta ka xariiqaysa in dabkii baxaya dab lagu qabsado.

Waan u mahadcelinaynaa dalalka ku bahoobay Sanduuqa Horumarinta Somaliland "SDF” oo muftaax u noqon doonaa in dalal kalena ku soo dhiiradaan in ay horumarka Somaliland ka socda gacan ka gaystaan.

Jidkan Isku Xidhaya Dekadda Caalamiga ah ee Berbera iyo Caasimada dalka Somaliland ayaa ah mid muhiimad weyn uugu fadhiya Qaranka Jamhuuriyada Somaliland isla markaana wax badan ka tari doonaa isku socodka gaadiidka Xamuulka qaada iyo kuwa kaleba.

Waxaa hubaal ah in hadii aynu awoodeena isku darsano ay duniduna u soo kala badin doonaan in ay wax inala qabataan maxaa yeelay "WAX II QABO , WAX ILA QABO AYAA DHAANTA”  

Wa Bilaahi Tawfiiq.


Contact@afkashacabka.com