Gabadh Labaatan Jir Ah Abaheed Qudha Ka Jartay Deganka Geed-deeble

0
Wednesday November 26, 2014 - 21:48:30 in by salman abdi
  • Visits: 2088
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Labaatan Jir Ah Abaheed Qudha Ka Jartay Deganka Geed-deeble

    Alle ha u naxariistee waxa maanta Magaalada Hargeysa lagu aasay Marxuum Magaciisu ahaa Cabdulle Xagaa, kaasi oo shalay ku baxay gacanta gabadh uu dhalay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle ha u naxariistee waxa maanta Magaalada Hargeysa lagu aasay Marxuum Magaciisu ahaa Cabdulle Xagaa, kaasi oo shalay ku baxay gacanta gabadh uu dhalay.


 


Gabadhan oo boolisku gacanta ku soo dhigay ayaa qudha kaga jartay aabaheed Cabdulle Xagaa oo ahaa odey da’ ah. waxaana dilkaasi ka dhacay deegaanka Geed-deeble ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa.

Lama oga waxa ay gabadhu ku dishay aabaheed oo da’ ahaa isla-markaana muddo dheer xanuunsanayey. Laakiin waxa gabadhaasi oo laga soo qabtey deegaanka Daarasalaam baadhaya ciidamada dambi-baadhista ee C.I.D-da ee Magaalada Hargeysa.

Gabadhan oo Magaceeda lagu sheegay Sahra Cabdulle Xagaa, isla-markaana da’deeda lagu qiyaasay 20 jir ayaa aabaheed oo 60 jir ahaa qudha kaga jartay Daabka loo isticmaalo Gudunta.


Falkan naxdinta leh ayaa noqonaya kii  ugu horeeyay ee noociisa ah ee inta la xasuusto ka dhaca Somaliland. 


Contact@afkashacabka.com