Munaasabad loogu magac daray habeenka dhaqanka kana qeyb galeen Mas'uuliyiin oo xalay lagu qabtay Muqdisho (Daawo Sawirada)

0
Thursday November 27, 2014 - 10:51:58 in by Burco Office
  • Visits: 846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabad loogu magac daray habeenka dhaqanka kana qeyb galeen Mas'uuliyiin oo xalay lagu qabtay Muqdisho (Daawo Sawirada)

    Munaasabad loogu magac daray habeenka dhaqanka oo ay ka soo qayb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada madax katirsan maamulka gobolka banaadir iyo xubnaha labada gole ee dowlada qaarkood ayaa xalay lagu qabtay magaalada muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad loogu magac daray habeenka dhaqanka oo ay ka soo qayb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada madax katirsan maamulka gobolka banaadir iyo xubnaha labada gole ee dowlada qaarkood ayaa xalay lagu qabtay magaalada muqdisho.


Waxay ahayd Munaasabadaan mid aad loo soo agaasimaha, waxaana ay ka dhacday Hotelka City ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaano, Abwaano, Fanaaniin iyo qaar kale oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Munaasabada oo uljeedkeedu ahaa dib u xasuusin iyo soo nooleynta wax yaabaha Soomaalida Hidaha iyo Dhaqanka u leedahay ee sii baaba’aya ayaa dadkii goobta ka hadlay waxay guubaabiyeen in bulshada Soomaaliyeed ay dhowraan dhaqan kooda suuban iyo hidihii caanka ay ku ahaayeen dadka Soomaaliyeed.

Goobta Munaasabadaan ay ka soconaysay ayaa aad loogu soo xardhay waxyaabo badan oo muujinaya dhaqanka Soomaaliyeed, iyo farshixanno aad usoo jiitay ka qeyb galayaashii.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Mustaf Shiikh Cali Dhuxulow oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii madashaa ku sugnaa oo hadal jeediyay ayaa sheegay iney guubaabinayaan garabna ay siinayaan cid kastaa oo kaalin ka qaadaneysa soo nooleynta hidaha iyo dhaqnka Soomaaliyeed. 

 barnaamijkaan uu ahaa mid loogu tala galay in sare loogu qaado Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, dadkii halkaasi bandhiga ka sameeyay, walibana ku tar tamay ay ku guuleysteen hadiyado qaali ah.


Halkaan Hoose ka daawo Sawirada

DSC_0447DSC_0446DSC_0444DSC_0445DSC_0377DSC_0376DSC_0328DSC_0349DSC_0350DSC_0351DSC_0352DSC_0375DSC_0327DSC_0326DSC_0325DSC_0324DSC_0323DSC_0322DSC_0319DSC_0320DSC_0321DSC_0314DSC_0315DSC_0316DSC_0317DSC_0318

 

Muqdisho/Office

contact@afkashacabka.com