Mudaaharaadyo Wali Ka Socda Magaalada Ferguson

0
Thursday November 27, 2014 - 12:53:35 in by salman abdi
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaaharaadyo Wali Ka Socda Magaalada Ferguson

    Dad dibadbaxayal ayaa maalintii saddexdaad sii wada banaanbaxooda, iyaga oo ka gadoodsan go'aanka xeerbeegti Maraykanka ah oo diiday in dambi lagu soo oogo sarkaal booliiska ka tirsan oo caddaan ah, kaas oo dilay nin da' yar oo madow. Dilka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad dibadbaxayal ayaa maalintii saddexdaad sii wada banaanbaxooda, iyaga oo ka gadoodsan go'aanka xeerbeegti Maraykanka ah oo diiday in dambi lagu soo oogo sarkaal booliiska ka tirsan oo caddaan ah, kaas oo dilay nin da' yar oo madow. Dilka ayaa ka dhacay magaalada Ferguson ee gobolka Missouri ee badhtamaha Maraykanka.


Boqolaal qof ayaa Arbacadii shalay ku hor dibadbaxay dhismaha dawladda hoose ee magaalada St. Louis, iyaga oo ku dhawaaqayey "Ceeb, Ceeb.” Booliiska ayaa xidhay saddex qof markii ay diideen inay kala tagaan, kuwaas oo midkood lagu eedeeyey inay xadgudub dagaal sameysey.


Bishii August ayey ahayd markii sarkaal caddaan ah oo lagu magacaabo Darren Wilson uu toogtay wiil madow oo 18 jir ah oo lagu magacaabo Michael Brown.

Dadkii dibadabaxyada Arbacadii shalay ayaa gaadhay 58 qof, iyada oo salaasadiina la qabtay 13 qof.


Contact@afkashacabka.com