Dawladda hoose Burco oo Boobsiis ku wadda Waddo aan Bilow ahayn maalmo ka hor iyo Xildhibaan Cabdilaki oo Saluug Weyn Ka Muujiyey

0
Thursday March 13, 2014 - 12:49:39 in by Super Admin
  • Visits: 1072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda hoose Burco oo Boobsiis ku wadda Waddo aan Bilow ahayn maalmo ka hor iyo Xildhibaan Cabdilaki oo Saluug Weyn Ka Muujiyey

    Maayirka Iyo Ku Xigeenkiisana Ku Sifeeyey Kuwa Ugu Liita Maayirada Dalka‏ kuna can baxay inay isku sawiraan wadooyin qabyo ah oo aanay waligood ka ilbaxayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayirka Iyo Ku Xigeenkiisana Ku Sifeeyey Kuwa Ugu Liita Maayirada Dalka‏ kuna can baxay inay isku sawiraan wadooyin qabyo ah oo aanay waligood ka ilbaxayn

Xildhibaan Cabdilaki Xasan Xaaji Nuur Ayaa Saluug Weyn Ka Muujiyey Wadooyinka Laga Wado Burco Maayirka Iyo Ku Xigeenkana Ku Sifeeyey Kuwa Ugu Liita Maayirada Dalka‏.

Xildhibaan Cabdilaki  Xasan Xaaji Nuur   oo kamida Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa Maayirka iyo ku xigeenka Dawlada hoose ee burco  ku eedeeyey waxqabad la,aanta iyo khiyaamo shacab , xildhibaanka oo qoraal u qeybiyey qaar ka mid ah saxaafada  ayaa si adag uga hadlay wax qabadka dawlada hoose ee burco iyo tayo yaraanta wadooyinka ay beryihii ugu danbeeyey waday Dawlada hoose oo uu ku sheegay qaar aan haba yaraatee wax tayo ah lahayn sidoo kale  xildhibaan laki  ayaa maayirka iyo ku xigeenka ku eedeeyey  inay caadaysteen inay xadhiga ka jaraan wadooyin aan gaadhin wakhtigii la furilahaa.

Xildhibaanka ayaa si ba,an u dhaliilay Maayirka Maxamed Muraad iyo Ku Xigeenkiisa Mr  Xoday isagoo ku dhaliilay inay khiyaameeyeen Shacabka reer burco una sheegeen been, waxaana uu isla sidoo kale ku eedeeyey inay kala badantahay hantida ku baxday wadada iyo inta loo qorsheeyey  sheegayna inay lunsadeen lacago badan oo loogu talo galay wadadaasi balse ay maayirka iyo ku xigeenku u isticmaaleen sifo ka baxsan sharciga.

Xildhibaan laki ayaa si waafi ah uga hadlay halwalaha wadooyinka waxaana uu xusay inay jiraan wadooyin badan oo burco ku yaala kuwaas oo ay  maayirka iyo ku xigeenkiisuba xadhiga ka jareen wakhti aanay  dhamaystirnsyn  oo ay qabyo yihiin, waxaana uu taasi ku tilmaamay khiyaamo qaran Xildhibaanku wuxuu tusaale usoo qaatay tiraba ilaa 4wado  kuwaas oo saddex kamida hore loo dhameeyey halka midna hada gacanta lagu hayo kuwaas dhamaantoodba ay kala badanyihiin kharashaadka loo qoondeeyey iyo inta ku baxday islamarkaana ay ka muuqato wadooyinka in laga sheexaaday waxyaabo badan oo ay u baahnaayeen, waxaana uu xusay inay gudoomiyaha iyo ku xigeenku si khaldan u lunsadeen lacagahaasi wadada loogu talo galay

Xildhiban CabdiLaki xasan xaaji nuur ayaa ka digay wadadan cusub ee hada farta lagu hayo taasi oo ay maamulku sheegeen inay tahay casri  balse xildhibaanka ayaa ka dhawaajiyey in wadadaasi ku socoto deg deg iyio ka gaadhsiis oo aanay gaadhin wakhti la dhamaystiro  waxaana uu sheegay inay maamulku doonayaan inay la horcararaan Madaxweynaha iyo waftiga kusoo foolka leh burco  kuna yidhaahdaan xadhiga ka jara wado aan dhamaystirnayn oo xitaa gaadhin kala badh, Wuxuuna ugu baaqay maayirka iyo ku xigeenka inay ka waantoobaan  hawlahaasi bulsahadana si daacad ah ugu adeegaan.

Xildhibaanku wuxuu ku sifeeyey Maayirka iyo Ku Xigeenku inay yihiin kuwa ugu liita Maayirada dalka sidoo kale ay yihiin  dar aan aqoon fiican u lahayn hab maamulka wax qabad iyo sida loo dhamaystiro halwalaha kuna can baxay inay  isku sawiraan wadooyin qabyo ah oo aanay waligood ka ilbaxayn kana waantoobayn beenta  ay bulshada la hor taagan yihiin 




Afkashacabka.com

Burco  /Office

Contact@afkashacabka.com