Dr Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog),Wasiirkii hore ee Caafimaadka ee Xukumadda Siilaanyo oo maanta isaga iyo Siyaasiyiin kale oo Miisaan lihi ku biireen Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa Xukumadda ku eedeeyay arimo Musuqmaasuq,Caddaalad daro iyo xumaano kale.

0
Thursday November 27, 2014 - 14:41:11 in by Hargeysa Office
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog),Wasiirkii hore ee Caafimaadka ee Xukumadda Siilaanyo oo maanta isaga iyo Siyaasiyiin kale oo Miisaan lihi ku biireen Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa Xukumadda ku eedeeyay arimo Musuqmaasuq,Caddaalad daro iyo xumaano kale.

    Hargeysa(Afkashacabka)"Walllaahi Ninka Dulmi Dugsaday Ee Caddaalad Daro Dugsaday Ee Musuqmaasuq Dugsaday Ee Qabyaalad Dugsaday Ee Ka Tagi Waayay, Isagaa Wax Is-Yeelay" Dr. Xuseen Xoog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Afkashacabka)"Walllaahi Ninka Dulmi Dugsaday Ee Caddaalad Daro Dugsaday Ee Musuqmaasuq Dugsaday Ee Qabyaalad Dugsaday Ee Ka Tagi Waayay, Isagaa Wax Is-Yeelay" Dr. Xuseen Xoog Dr Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog),Wasiirkii hore ee Caafimaadka ee Xukumadda Siilaanyo oo maanta isaga iyo Siyaasiyiin kale oo Miisaan lihi ku biireen Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa Xukumadda ku eedeeyay arimo Musuqmaasuq,Caddaalad daro iyo xumaano kale.


Dr Xuseen Xoog, oo khudbad ka jeediyay Munaasibada xubnahani kula midoobayeen Xisbiga Waddani waxa uu sheegay in sababta ay ugu biireen Waddani ay tahay sidii isbedel caafimaad qaba oo dawladdeed loo heli lahaa islamarkaana Dalka loo badbaadin lahaa waa sida uu yidhiye.

Ugu horeyn isagoo ka hadlaya waxyaabaha ay u socdaan isaga siyaasiyiintan waxa uu yidhi "Walaalayaal waxaanu u soconaa Isbedel, Xamaasadi qiimo ma leh, Hebel baan wataa qiimo ma leh, Hebel baa reerkayaga ah qiimo ma leh, wuxuu qiimuhu ku jiraa Dawlad nimada, Caddaaladda, Horumarka, shaqo abuurka, isla xisaabtanka, taas ayaa ina wada deeqaysa. waxaynu doonaynaa dawlad noocaas ah inaynu dhisno”

Dhanka kalena waxa uu Xuseen Xoog u jawaabay Xubno ku dhaliilay ku biiritaankiisa Xisbiga Waddani "Walaalayaal, waxaan xalay TV-ga qaranka ku arkaayay, Nin aanu Saaxiib dhawna aanu nahay, Ehel dhawna aanu nahay,Ninkaasi wuxuu yidhi Waxaad iga qortaan Ninka guuray ee Xisbigiisii ka guuray ee meel kale u guuray isaguun baa wax is yeelay ee cid kalena wax tari maayo.

Waxaan leeyahay Saaxiib, Walllaahi Ninka Dulmi dugsaday ee Caddaalad daro dugsaday ee Musuqmaasuq dugsaday ee Qabyaalad Dugsaday ee ka tagi waayay, isagaa wax is-yeelay If iyo Aakhiraba.Waanu gedgedoomaynaa, waanu war-wareegaynaa, hadduu Cabdiraxmaan Cirro iyo Waddani na qancin waayo waanu ka wareegaynaa, danta qarankaanu u wareegaynaa oo Isbedelka dhabta ah ayaanu u wareegaynaa.Xisbiyadu ma Diin baa, ma Caqiidaa, haddii ay samayn waayeen wixii dadku ka rabay”

Mr Xuseen Xoog, waxa kale oo uu Xisbiga Waddani kula taliyay in bulshada farriin midaysan oo run ah loo diro "Haddii aynu Waddani nahay maanta, Habka aynu u Ololaynayno iyo sida aynu dadka u wejehayno iyo Fariinta Bulshada aynu u diraynaa waa inay Farriin mid ah noqoto.Waa inay farriin run ah noqotaa, yaynaan Been ku ololayn.waxaynu sheegaynaa Runta ha ku salaysnaado, anigoo boqol Ceebood oo run ah oo Dawladdu leedahay helaya maxaa mid iyo laba aanay lahayn ii gaynaya”

By Mowliid Cali Aadan