Xamarji Oo Hanjabaad Aan Hore Looga Baran Guudka Kaga Tuuray Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo

0
Thursday November 27, 2014 - 14:59:39 in by Hargeysa Office
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xamarji Oo Hanjabaad Aan Hore Looga Baran Guudka Kaga Tuuray Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo

    Badhasaabkii hore ee Gobolada Maroodijeex iyo Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji), oo maanta ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee.....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabkii hore ee Gobolada Maroodijeex iyo Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji), oo maanta ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee.....

Waddani ayaa farriin uu u diray Madaxweyne Siilaany ku sheegay inaanu xoog ku sii fadhiyi doonin Kursiga haddii ay maalin dhaafto wakhtiga doorashada loogu talo galay. Waxa uu sheegay in cidkasta oo ku dhimata aanay ogolaanayn, isagoo taageerayaasha Waddani ku booriyay inay u tabaabushaystaan Ololaha doorashada.

" Waxaan leeyahay Xisbiga Waddani waad mahadsan tihiin intiina sii Shaqaysay,intii dambe anagaa idin kala wareegayna ee ku Abshira, hadday af iyo hadal noqoto, hadday Karti noqoto, waxaanu idinka balan qaadaynaa inaanu idin nasino, waayo? Waxaanu nahay Xisbi yahan aad iyo aad u yaqaana Xisbiga iyo Ololaha.Xisbiga iyo Ololuhu waa Dawarsi, waa Akhwaan Liibaan,waxaanan isleeyahay inaanay jirin cid nagaga haboon aniga, Xuseen Xoog iyo Duur, markaa waxaan idin leeyahay Dawarsigaa anagaa hore u soo dawarsan jiray inkasta oo aanu ku khasaarnay ee anaga noo dhaafa” ayuu yidhi Mr Xamarje.

Badhasaabka hore ee Maroodijeex iyo Togdheer waxa kale oo uu farriin adag u diray Madaxweyne Axmed Siilaanyo "Mudane Madaxweyne waxaan kuu sheegayaa maalinta ay gaadho 26-ka Juun wixii ka dambeeya waad garanaysaa haddaad maalin ku darsato wixii inoo balan ahaa.taana waxaan ka balanqaadayaa haddii ay 10 ku dhimanayaan iyo hadday 20 ku dhimanayaan ba anagaa kuu codaynay, maalintaanu kuu codaynay waynu isla garanaynaa, wixii ka dambeeya ilama aha inaad xoog nagaga fadhiyi doonto. Waxaan ku kalsoonahay oo aan kugu dhiiri galinayaa Madaxweyne cidkasta oo aad soo sharaxdo ama adigu isa soo sharax ama cid kale soo sharaxoo inaad tartan xalaal ah soo gasho” ayuu yidhi Mr Xamarje.

Sidoo kale waxa uu Bulshada Somaliland u diray farriin mr Xamarje " Shacbi weynaha Somaliland waxaan leeyahay 23 sano ayaynu jirnaa, sida Qobtolka la iskugu tol-tolo ayaynu Qaranimada Somaliland iskugu tol-tolay, waxaan u malaynayaa Qaylada ka dhacaysa Awdal, ta Saylac ka dhacaysa iyo ta Buuhoodle ka dhacaysa iyo ta Gobolada Sanaag bari ka dhacaysa waad wada Ogtihiin.Waxa muuqata in Qaranimadii qafiiftay, Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxaanu kaa doonaynaa wax kasta ha dambeeyaane in Qaranimadii Somaliland la soo celiyo.”

Mr Xamarje sidoo kale u diray farriin Taageerayaasha Xisbiga Waddani "Dhamaan taageerayaashayada Gobolada dalka ku kala nool, waxaa la idiinka baahan yahay in si Mugleh oo aynu u shaqayn jiray loo shaqeeyo, guri iyo guri ayaa loo baahan yahay in garabka la isku qabsado, Ololihii caadiga ahaa ee la arki jiray la soo celiyo.waxaan leeyahay ha la ina caayo Adkaysi ayaa la inooga baahan yahay, ha la ina shiido adkaysi ayaa la inooga baahan yahay, ha la ina xidho-xidho adkaysi ayaa la inooga baahan yahay”




Xamse Jesto

Afkashacabka.com

Hargeysa / Office

Contact@afkashacabka.com