Masuuliyiin Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada Axmed Siilaayo Ka mid ahaa oo Xisbiga WADDANI ku Biiray

0
Thursday November 27, 2014 - 17:13:19 in by Hargeysa Office
  • Visits: 824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiin Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada Axmed Siilaayo Ka mid ahaa oo Xisbiga WADDANI ku Biiray

    Hargeisa(Afkashacabka)-Masuuliyiin Xukuumada Axmed Siilaayo Xilal ka soo qabtay oo ku biiray Xisbiga WADDANI ayaa khubado ka jeediyay madal lagu soo dhawaynayay oo ka dhacday Magaalada Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(Afkashacabka)-Masuuliyiin Xukuumada Axmed Siilaayo Xilal ka soo qabtay oo ku biiray Xisbiga WADDANI ayaa khubado ka jeediyay madal lagu soo dhawaynayay oo ka dhacday Magaalada Hargaysa.


Wasiiro,Gudomiyayaal iyo Agaasimayaal hore ula soo Shaqeeyay Xukuumada Xisbiga kulmiye ayaa waxa ay ka hadleen in doorashada wakhtigeedii lagu qabto.
Ugu horeyn isagoo ka hadlaya waxyaabaha ay u socdaan isaga siyaasiyiintan waxa uu yidhi "Walaalayaal waxaanu u soconaa Isbedel, Xamaasadi qiimo ma leh, Hebel baan wataa qiimo ma leh, Hebel baa reerkayaga ah qiimo ma leh, wuxuu qiimuhu ku jiraa Dawlad nimada, Caddaaladda, Horumarka, shaqo abuurka, isla xisaabtanka, taas ayaa ina wada deeqaysa. waxaynu doonaynaa dawlad noocaas ah inaynu dhisno”


Dhanka kalena waxa uu Xuseen Xoog u jawaabay Xubno ku dhaliilay ku biiritaankiisa Xisbiga Waddani "Walaalayaal, waxaan xalay TV-ga qaranka ku arkaayay, Nin aanu Saaxiib dhawna aanu nahay, Ehel dhawna aanu nahay,Ninkaasi wuxuu yidhi Waxaad iga qortaan Ninka guuray ee Xisbigiisii ka guuray ee meel kale u guuray isaguun baa wax is yeelay ee cid kalena wax tari maayo.


Waxaan leeyahay Saaxiib, Walllaahi Ninka Dulmi dugsaday ee Caddaalad daro dugsaday ee Musuqmaasuq dugsaday ee Qabyaalad Dugsaday ee ka tagi waayay, isagaa wax is-yeelay If iyo Aakhiraba.Waanu gedgedoomaynaa, waanu war-wareegaynaa, hadduu Cabdiraxmaan Cirro iyo Waddani na qancin waayo waanu ka wareegaynaa, danta qarankaanu u wareegaynaa oo Isbedelka dhabta ah ayaanu u wareegaynaa.Xisbiyadu ma Diin baa, ma Caqiidaa, haddii ay samayn waayeen wixii dadku ka rabay” Wasiirkii hore Ee Caafimaadka.


Mr Xuseen Xoog, waxa kale oo uu Xisbiga Waddani kula taliyay in bulshada farriin midaysan oo run ah loo diro "Haddii aynu Waddani nahay maanta, Habka aynu u Ololaynayno iyo sida aynu dadka u wejehayno iyo Fariinta Bulshada aynu u diraynaa waa inay Farriin mid ah noqoto.Waa inay farriin run ah noqotaa, yaynaan Been ku ololayn.waxaynu sheegaynaa Runta ha ku salaysnaado, anigoo boqol Ceebood oo run ah oo Dawladdu leedahay helaya maxaa mid iyo laba aanay lahayn ii gaynaya”ayuu yidhi Xuseen Xoog


Dhinaca kale Gudoomiyihii hore ee gobolka Togdheer oo isna ku biiray maanta ayaa hadal uu madashii ka jeediyay waxa uu sheegay in aanay xukuumada ka yeelayn doorashada oo maalin dib loo dhigo"Waxaan leeyahay Xisbiga Waddani waad mahadsan tihiin intiina sii Shaqaysay,intii dambe anagaa idin kala wareegayna ee ku Abshira, hadday af iyo hadal noqoto, hadday Karti noqoto, waxaanu idinka balan qaadaynaa inaanu idin nasino, waayo? Waxaanu nahay Xisbi yahan aad iyo aad u yaqaana Xisbiga iyo Ololaha.Xisbiga iyo Ololuhu waa Dawarsi, waa Akhwaan Liibaan,waxaanan isleeyahay inaanay jirin cid nagaga haboon aniga, Xuseen Xoog iyo Duur, markaa waxaan idin leeyahay Dawarsigaa anagaa hore u soo dawarsan jiray inkasta oo aanu ku khasaarnay ee anaga noo dhaafa” ayuu yidhi Mr Xamarje.


Badhasaabka hore ee Maroodijeex iyo Togdheer waxa kale oo uu farriin adag u diray Madaxweyne Axmed Siilaanyo "Mudane Madaxweyne waxaan kuu sheegayaa maalinta ay gaadho 26-ka Juun wixii ka dambeeya waad garanaysaa haddaad maalin ku darsato wixii inoo balan ahaa.taana waxaan ka balanqaadayaa haddii ay 10 ku dhimanayaan iyo hadday 20 ku dhimanayaan ba anagaa kuu codaynay, maalintaanu kuu codaynay waynu isla garanaynaa, wixii ka dambeeya ilama aha inaad xoog nagaga fadhiyi doonto. Waxaan ku kalsoonahay oo aan kugu dhiiri galinayaa Madaxweyne cidkasta oo aad soo sharaxdo ama adigu isa soo sharax ama cid kale soo sharaxoo inaad tartan xalaal ah soo gasho” ayuu yidhi Mr Xamarje.
Sidoo kale waxa uu Bulshada Somaliland u diray farriin mr Xamarje " Shacbi weynaha Somaliland waxaan leeyahay 23 sano ayaynu jirnaa, sida Qobtolka la iskugu tol-tolo ayaynu Qaranimada Somaliland iskugu tol-tolay, waxaan u malaynayaa Qaylada ka dhacaysa Awdal, ta Saylac ka dhacaysa iyo ta Buuhoodle ka dhacaysa iyo ta Gobolada Sanaag bari ka dhacaysa waad wada Ogtihiin.Waxa muuqata in Qaranimadii qafiiftay, Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxaanu kaa doonaynaa wax kasta ha dambeeyaane in Qaranimadii Somaliland la soo celiyo.”
Mr Xamarje sidoo kale u diray farriin Taageerayaasha Xisbiga Waddani "Dhamaan taageerayaashayada Gobolada dalka ku kala nool, waxaa la idiinka baahan yahay in si Mugleh oo aynu u shaqayn jiray loo shaqeeyo, guri iyo guri ayaa loo baahan yahay in garabka la isku qabsado, Ololihii caadiga ahaa ee la arki jiray la soo celiyo.waxaan leeyahay ha la ina caayo Adkaysi ayaa la inooga baahan yahay, ha la ina shiido adkaysi ayaa la inooga baahan yahay, ha la ina xidho-xidho adkaysi ayaa la inooga baahan yahay”Gudooyihii hore Gobolka Togdheer Axmed Xaaji Cumar Xamarje.
Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ku soo Biirey ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale,Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha iyo Agaasimayaal.

Khadar Nuux Yonis