Chelsea Oo Ku Dhawaaneysa Inay Xagaaga La Soo Wareegto Leo Messi.

0
Friday November 28, 2014 - 10:42:29 in by Burco Office
  • Visits: 933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Ku Dhawaaneysa Inay Xagaaga La Soo Wareegto Leo Messi.

    Wargeyska Daily Express ayaa sheegaya in Lionel Messi uu ka fiirsanayo inuu u dhaqaaqo Chelsea marka la gaaro xagaaga, iyadoo xiddiga reer Argentina uu muran dhanka lacagta ah kula jiro kooxda Barcelona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska Daily Express ayaa sheegaya in Lionel Messi uu ka fiirsanayo inuu u dhaqaaqo Chelsea marka la gaaro xagaaga, iyadoo xiddiga reer Argentina uu muran dhanka lacagta ah kula jiro kooxda Barcelona.


Wargeyskaan Ingariiska ayaa sheegaya in weeraryahanka uu diyaar u yahay inuu isku dayo inuu u dhaqaaqo Stamford Bridge, iyadoo Adidas ay ka caawineysa inuu heshiiskaas dhaco.

Barcelona ayaa 200 milyan ginni dul dhigtay madaxa Messi laakiin iyagoo caawimaad ka helaya shirkada Isboortiga Adidas oo xiriir la leh Messi iyo Chelsea heshiiskaan ayaa ah mid dhici kara.


 

Adidas waxa ay dooneysaa inay Chelsea ka caawiso qiimaha lacagta halka Messi oo ah xiddig ay heshiis xayaysiin kula jiraan ay doonayaan inuu ka ciyaaro meel uu ku helayo qiimaha uu aaminsan yahay inuu u qalmo.

Wargeyska Daily Express ayaana sheegaya inay hayaan cadeymo muujinaya in Messi uu ku wajahan yahay Chelsea, iyagoo sheegay in Fabregas oo saaxiib dhow la ah Messi inuu doonayo inuu ka dhaadhiciyo inuu yimaado London.

Messi oo dhawaan rikooro waa weyn jabiyay ayaana aaminsan inuu u qalmo in mushahar ahaan loo siiyo lacag ka badan lacagta uu Cristiano Ronaldo ka qaato Real Madrid.

contact@afkashacabka.com