Wakhtigaagu Yaanu Noqon Mid Ku Luma Cunista Qaadka Iyo Sigaarka.:-W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

0
Friday November 28, 2014 - 15:26:35 in by Burco Office
  • Visits: 1693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakhtigaagu Yaanu Noqon Mid Ku Luma Cunista Qaadka Iyo Sigaarka.:-W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

    Wakhtigu waa waa mid ka mida waxyaalaha udub dhexaadka u ah nolosha ibnu aadanka, wuxuuna ka mid yahay wakhtigu, waxyaalaha ugu qaalisan ee lagu xisaabtamo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakhtigu waa waa mid ka mida waxyaalaha udub dhexaadka u ah nolosha ibnu aadanka, wuxuuna ka mid yahay wakhtigu, waxyaalaha ugu qaalisan ee lagu xisaabtamo.

Cidkastaana waxay wax noqotaa marka ay wakhtigeeda ka faaideysato ugana faa’ideysato sida ugu saxsan uguna wanaagsan.

Hadaba qaadka iyo wakhtigu waxay isku yeesheen saamayn xoogan , oo qaadku wuxuu sababay in la lumiyo wakhti badan, markasta oo wakhti kaa lumana waxa lumay , wax qabad iyo shaqo.

Sidaa daraadeed maanta dadkeenii 75% waxay cunaan qaad iyo sigaar, qaadkaas iyo sigaar kaas oo saamayn ku yeeshay, noloshoodii,dhaqaalahoodii,naftoodii,iyo wakhtigii oo ah kii soo saarayay dhaqaalaha.

Waxylaaha ugu badan ee bulshada haysata ee dhaqaalahoodii baabiisay waa cunista qaadka iyo sigaarka oo markasta saamayn ku yeeshay.

Hadaba su,aasha meesha taalaa waxa weeye sidee ayaa loo joojin karaa qaadka iyo sigaarka iyadoo la samaynaya badalkoodii.

 

Kolay way adag tahay in la joojiyo QAAD IYO SIGAAR laakin waa la yarayn karaa iyadoo la marayo wadooyin wax ku ool ah laguna xalin karo dhibaatadan soo jireenka ah.

Qaadku waa mushkilad culus kaas oo nolol badan baabiiyey,guryo badan baabiiyay, qoysas badan kala fogeeyay,dhaqaale badan baa biiyey, ayaa hadana dadkeenii sii socdaan oo cunayaan un.

Qaadku waa masiibo kaas oo markasta is bedel ku samaynaya noloshaada iyo naftaadaba, hoosna u dhigaaya sharaftaada iyo sumcadaada.

Qaadku waa shay ay culimadu isku raaceen inuu yahay xaaraan oo uu naf iyo maalba badalayo.

Sidaa daraadeed waxaan idiin sheegi lahaa qofkasta oo isticmaala ama gacanta ku haya inuu iska daayo oo uu naftiisa iyo mustaqbalkiisaba ku jeesto sidii u tayay lahaa.

Haddii qaadka la joojiyo waxa bilaabmaya jacayl u dhexeeya lamaanayaal fara badan oo is jecel kuwaas oo ku kala maqnaa cadho qaad iyo sigaar.

WAXA ayaan daro ah in bulshadeenii intoodii badnayd noqdaan kuwo isticmaala qaadka iyo sigaarka, inay noqdaan kuwo aan ilaalin wakhtiga iyo qiimaha uu ku fadhiyo, waxaad meelkasta , ku arkaysaa kolay qaad oo yaala kaas oo saamayn ku yeeshay bilicdii iyo nadaafadii magaalooyinka.

Qaadku waa cudur waxaanu cudur ku yahay caafimaad ,naf,maal,diin, Aoon iyo wakhti oo ah inta ugu qaalisan nolosha in la helo.



 

LA soco-----------------------------



 

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Email:farxaanmxd@gmail.com

TELL: 252263--4400319

Berbera

Face book: Rakad mxd sultan

Skype: Farxaan.mxd

Social activist

Post number: 132