Dhalinyaraddu Kuma Codeyso Hebel Oo Wasiir Hore Ahaa Ayaa Meel Heblaayo Ku Biiray

0
Friday November 28, 2014 - 15:35:52 in by Burco Office
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaraddu Kuma Codeyso Hebel Oo Wasiir Hore Ahaa Ayaa Meel Heblaayo Ku Biiray

    Waxaan arkaayey iyadoo xisbigga Waddani isagoo u debaal degaaya siyaasiyiin hore oo Kulmiye ahaa oo ku soo biiray xisbigga Waddani.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan arkaayey iyadoo xisbigga Waddani isagoo u debaal degaaya siyaasiyiin hore oo Kulmiye ahaa oo ku soo biiray xisbigga Waddani.

Runtii aad baa loo buunbuuniyey oo meesha raggu isku wada miisaan maahee; laba nin uun baa ugu weynaa waa Dr Xuseen Xoog oo ah nin macquul ah iyo Boobe oo isaga ay si xun isku seegeen Siilaanyo oo beryahaaba cadheysnaa. Nimanka kale waxba yaan la buunbuunin sidaa uma ridna. Runtii Mr Duur isagu inaadeerkii buu qabyaalad cad ku raacay ninka waxan oo dhan uga soo shaqeeyeyna waa isaga oo dedaal badan muujiyey.

 

Laakiin runta aynu isku sheegnee ma wax la buunbuuniyaa wasiir hore oo Siilaanyo eryey? ma sidaasaa la odhan karaa waa isbedel siyaasadeed ama Change ayaa la keenayaa. 

Runtii markaan arkay buunbuuninta weyn ee ay xisbigga Waddani sameynayaan waxay i tusaysaa uun in ay taag daran yihiin. Dhalinyaraddu kuma codeyso hebel oo wasiir hore ahaa ayaa meel heblaayo ku biiray. Iyagoo iga raalli ah; wasiiradan dartood kuma codeynaayo. Nimanka madaxtinimadda u ordaaya qof walba wixii hore ee noloshiisa iyo shaqadiisa ah ayaan ku qiimeyn doonaa; sidaasayna Somaliland dhalinyaradeedu ku qiimeyn doontaa ee ha la ogaado. Wasiir Boobe oo dadka qoraal ku wareeriyey oo weliba Cirro shalayto caayaayey hadduu maanta cumaamad cusub iila yimaaddo yeelli maayo; haddii Xamarji oo shalay isbedelaayey yeelli maayo. Sanadkan Somaliland siyaasadeedda waa la badelayaa ee ha la ogaado. Xisbigga Waddani IYo UCID ba wax cusub iyo dad cusub ha soo dhigaan shaashadda, laakiin wasiir hore na mari maayo. Hebel waxaan ahaan jiray oo xil soo qabtay hadday inuun naf leedahay waxa laga arki lahaa Somaliland.



 

 

Ali Abdi

Virginia, USA