Dhalinyaro Wada Waji Ku Macaasha By: Khalid Hassan Nur

0
Friday November 28, 2014 - 15:43:39 in by Burco Office
  • Visits: 1520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaro Wada Waji Ku Macaasha By: Khalid Hassan Nur

    Dhalinyaro Wanaagsan La Helyaa Waa Mujtamac Wanaagsan La Hel .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalinyaro Wanaagsan La Helyaa Waa Mujtamac Wanaagsan La Hel .....


 

Sidaynu Wada Ogsoon Nahay Dhalinyaradu Waa Laf Dhabarta Umad Kasta Waana Kaydka Dhabta Ah Ee Ay Umaddi Haysato Waxaana Haboon In Ay Dhalinyaraduna Fahmaan Qiimaha Ay Ku Dhex Leeyihiin Bulshadooda Bulshaduna Fahanto Qiimaha Dhalinyaradu Leedahay,

Hadaba Si Loo Helo Umad Guulaysata Oo Gaadha Horumar Dhinaca Nolosha Ah Iyo Isku Filnaanshiyo Waa Inay Bulshadu Qadarisaa Haldoorka Dhalinyaradooda Dhalinyaraduna Ay Ku Fikirtaa Sidii Ay Mar Walba Horumar U Gaadhsiin Lahaayeen Mujtamacooda.

Hadaba Inagoo Qodobkaasi Ka Duulayna Waxaan Maqaalkaygan Aan Kaga Hadli Doonaa Doorka Ay Dhalinyaradu Ku Leedahay Bulshada Dhexdeeda Iyo Dhalinyarada Sabankan Aynu Joogno Sida Ay Yihiin Gaar Ahaan Dhalinyarada Somaliland Waxana Uu Si Toos Ah Maqaalkaygani U Abaarayaa Dhalinta Gobolka Saaxil Oo Sida Aan In Mudo Ahba Arkaayay Noqday Kuwo Waji Ku Macaasha Waxayna Noqdeen Kuwo Loo Adeegsado Xumaha Iyo Wanaagaba Balse Aan Garanayn Waxyaabaha Loo Adeegsaday, Waxyaabaha Aad La Yaabayso Eed Dhalinyaradeenan Dambe Aan Ku Arkay Waxaan Ka Xusi Karaa In Dhalinyaradii Ay Noqdeen Kuwo La Isku Adeegsado Oo La Dhaho Media ha Fadhiista Oo Dhalinyaradaa Kale U Jawaaba Halkii Ay Ahayd In Dhalintu Ay Dhinac Uga Soo Wada Jeestaan Waxa Ay Bulshadu Tabayso Oo Ah Horumar Waxana Ay Horumarkii Iyo Kaalintii Qiimaha Lahayd Ee Ay Bulshada Ku Dhex Lahaayeen Ay Ka Doorsadeen Lacago Ay Ka Helaan Xisbiyada Mucaaridka Iyo Muxaafidka Dalka Waxana Dhalinyaradani Hadal Hays U Noqotay ” Aan Ujawaabo Dhalinyaradaa Reer Hebel Ee Maanta Shirka Jaraa’id Qabatay Ee Bixi Lacag Intaas Anaa Dhalinyaro Soo Abaabulaya Oo Shirkoodaa Jaraa’id Beeninaynee Taasina Waxay Ka Dhigan Tahay In Dhalintii Ay Bahlowday Noqdeena Dhalinyaro Waji Ku Macaasha Oo Shilin Uun Saa U Eryanaysa Media hana Uga Hanjabaysa Uun Dhalinyaro Kale Ileen Waa Nin Lacag Lagu Siiyay Hadalkaasi Oo Calooshiisa U Shaqayste Ah”.

Dhalinyarnimadu Waa Xiliga Ugu Wanaagsan Ee Qofka Bili Aadmiga Ah Soo Mara, Waqtigaa Dhalinyarnimada Qofku Wuxuu Kulansadaa Fursado Uusan Markale Helaynin, Dhalinyarnimada Ayaa Lagu Tilmaamaa Xiliga Ugu Qaalisan Ee Uu Qofku Haysto Noloshiisa, Waa Ta Koowaade Waa Xiliguu Yahay Ugu Caafimaad Badan Yahay Uguna Caqli Iyo Cudud Badan Yahay Hantina Uu U Haysto Waqti Ku Filan Intaasina Waa Arimaha Ugu Xooga Badan Ee Bulshadu Tabayso.

Runtii Anigu Waxaan Ka Mid Ahay Dhalinta Gobolka Saaxil Balse Aan U Fikirin Sida Ay Dhalinyarada Qaar Ay U Fikirayaan Waxaan Usoo Jeedinayaa Dhalinta Lidkaygoo Kale Ah Waar Alle Ka Baqa SWT Isagaa Weyn Oo Waaxid Ah Dulmiga Diida Xaqa Raaca Ha Noqonina Kuwo Ku Dhaqma Waxyaabo Aan Fiicnayn, Illaahay SWT Haka Dhiganina Ka Ugu Diciifsan Ee Idin Arkaya Sababtoo Alle Waa Idin Arkayaa Waxaad Samaynaysaan Waxaana Mudan Inaad Xasuustaanid In Alle Ku Arkayo Oo Aad Isaga Ka Xishootid Kana Cabsatid Intaad Bili Aadam Daciif Ah Karaamaynayso Ood Xaqa Indhaha Iska Saarayso Dulmigana Taageerayso.

Hadaba Maxaa Looga Baahan Yahay Dhaliyarada Si Ay Bulshada Haysata Dhalinyaradu Ay Horumar Uga Gaadho Dhinaca Nolosha Waana Muhiim Inay Dhalinyaradu Ogaataa Waajibka Ka Saaran Bulshadooda, Waxaanan Kusoo Koobayaa Afartan Qodob Waajibaadka Dhalinyarada Ka Saaran Bulshadooda:-

1. Waa Inuu Hami Aduun Iyo Mid Aakhiro Ku Jiro La Yimaado Alle Ka Cabsina Leh Lana Yimaado Cibaado Suuban Iyo Camal Saalixa Markastana Uu Yahay Qof Alle Ku Xidhan Kuna Dedaalo Hadba Wixii Alle Fursad U Siiyay ( Waxbarasho Ama Shaqo).

2. Waa Inuu Ku Dedaalaa Siduu Anfici Lahaa Una Horumarin Lahaa Bulshadiisa Kana Qayb Qaataa Horumarka Bulshada Adigoo Kaga Qayb Qaadanaya Maskax, Muruq Iyo Maal Intaba Waa inuu Ku Fekeraa Maxaad Bulshadaada U Qaban Kartaa Kuna Soo Kordhin Kartaa Kana Dhex Muuqataa Wax Qabadka Bulshadaada.

3. Waa Inay La Weyn Tahay Talada Waalidkiisa/ Ehelkiisa Iyo Ta Wax Garadka Bulshaduba Markastana Uu Ka Shidaal Qaataa Ciduu Isleeyahay Waxbay Kugu Kordhinaysaa.

4. Ogow Inaad Tahay Qof Xil Weyn La Saaray Oo Ah Inaad Waxbarato, Dedaashid Aadna Shaqaysato Kuna Hamidid Sidii Aad Naftaada Iyo Bulshada Aad La Nooshahayba Horumar U Gaadhsiin Lahayd, Si Aad U Noqoto Qof Bulshada Wax Weyn U Taraya Waxna Kusoo Kordhinaya.

Hadaba Dhallinyarooy Markaynu Usoo Laabano Sida Uu Hada Xaalkeenu Yahay Xaqiiqdii Waxaa Muuqata Dib U Dhac Iyo Habacsanaan, Waar Miyaynaan Awoodin Inaan Maanta Meel Kasoo Wada Jeedsano Oo Aynu Qayb Sanaanta Iyo Kala Qoqobnaanta Ka Gudubno Oo Aynu Waqtigii Iyo Waayihii Ina Soo Maray Aynu Wax Ku Qaadano Oo Aynu U Midawno Sidii Aynu Garab Iyo Gaashaan Ugu Noqon Lahayn Bulshadeena.

Markii Aan Arkay Inay Dhalinyaradu Noqdeen Dhalinyaro Aakhiro Saban Markaan Arkay Inay Noqdeen Dhalinyaro Qabyaali Markaan Arkay Kala Tafaraaruq Badan Oo Dhalinta Ka Muuqda Markaan Arkay Inay Dhalinyaradii Wada Noqotay Calooshooda U Shaqaystayaal Ayaa Waxaan Ka Tiriyay Tixdan Kooban Ee Bal Ila Akhriya Oo Ila Dhugta Qalbigana Dhalinyaroy Usii Daaya Midhaha Tixdani Iyo Xikmada Ay Xambaarsan Tahay:-

Dhalintii Gobolkaygaw

Dhaqankani Muxuu Yahay

Ma Dhuunaa Jeclaateen

Ii Dheh HAdalka Maantoo

Ana Qaadka Igu Dhiga

Ma Dhal Gaajo Baad Tihiin

Ma Dhagool Curyaanoo

Kala Dhigayn Wanaagoo

U Dhafoor Kacaysoo

Hadba Meesha Dheeha Leh

Dhaldhalaalka Eegtoo

Calooshood Dhaqaayoo

Dhawranayn Islaamnimo!


Runtii Qofku Markuu Sanad U Dhamaado Noloshiisii Way Soo Gaabatay Oo Hal Sano Ayaa Ka Baxay Duqnimo Iyo Dacifnimana Way Soo Food Saartay, Mashquul Iyo Ilmo Korina Inay Ugu Soo Biiraan Waa Laga Yaabaa Waxaana Jirta Murti Soomaaliyeed Oo Odhanaysa ” Maalin Walba Waxaa Kasii Dhib Badan Tan Ka Dambaysa” Waxaana Hubaala Qofkii Ka Fikira Qiimaha noloshiisa Kuna Talagala Inuu Khayr Kasbado Naftiisa Iyo Bulshadiisana Horumar Gaadhsiiya Raad Fiicanna U Reeba Bulshadiisa Waxaa Hubaala Inuu Hadafkaasi Gaadhi Doono Kuna Guulaysan Doono Hadii Uu Talo Saarto Rabi SWT.



Wabilaahi Tawfiiq.


W/Q: Khalid Hassan Kharash

Berbera/Somaliland

Kharash_2007@hotmail.com