Ururka Midowga Yurub Oo Askar Dherad Ah U Tababaraya Somaliya

0
Friday November 28, 2014 - 18:14:55 in by salman abdi
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Midowga Yurub Oo Askar Dherad Ah U Tababaraya Somaliya

    Ururka Midowga Yurub howlgalkiisa tababarrada ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay inay qorsheynayaan in sannadka soo socda ee 2015-ka ay tababarayaan tiro u dhiganta ciidamada ay tababareen sannadkan 2014-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Midowga Yurub howlgalkiisa tababarrada ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay inay qorsheynayaan in sannadka soo socda ee 2015-ka ay tababarayaan tiro u dhiganta ciidamada ay tababareen sannadkan 2014-ka.


Saraakiisha tababarka bixinaya ayaa sheegay in inkastoo amniga Muqdisho uu halis yahay haddana ay qorsheynayaan in ciidammo 12,00 oo askari ah ay Muqdisho ku tababarayaan sannadka soo socda.

Tababarayaasha Midowga Yurub ee Somalia ku sugan oo tiradooda ay tahay 128 sarkaal ayaa 11 koorso oo ay ku tababareen 1,150 askari Muqdisho ku qabtay, iyadoo lagu wado in toddobaadyada soo socda ay 250-askari oo kale u soo xidhaan tababar dhowr bilood u socday "Waxaan qorsheynaynaa inaan sannadka soo socda u tababarno Soomaaliya 1,200 oo askari oo dheeraad ah, inkastoo ammaanka Muqdisho uu xilligaan yahay mid halis ah,” ayuu sarkaal ka tirsan Midowga Yurub wabaahinta ugu sheegay xarunta Midowga Yurub ee Brussels.

Sidoo kale, sarkaalkan ayaa sheegay hadafkoodu uu yahay inay tababaraan ciidammo Soomaali ah oo ku filan ka hortagga weerarrada ay Al-shabaab ku soo qaadayaan goobaha ay dowladdu ka taliso.

Ururka Midowga Yurub ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay tababaro siinayay askar ka tirsan milateriga Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan saraakiil loogu talo-galay inay tababaraan ciidamada dowladda Soomaaliya.


Somalia ayaa haatan waxaa ku sugan 22,000 oo askari oo ka socda dalal ka tirsan kuwa Afrika oo ay ku jiraan waddamada dariska la ah Soomaaliya sida Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, kuwaasoo dowladda ka taageera dagaallada ay kula jirto Al-shabaab



  Contact@afkashacabka,com