Saddex iyo toban nin oo Somali ah. Ayaa Maxakamad ku Taala Magaalada Bristol la soo taagay Loona Haysto Fal Gabadh Aan Qangadh ahayn Kula Kaceen

0
Friday November 28, 2014 - 18:21:28 in by salman abdi
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex iyo toban nin oo Somali ah. Ayaa Maxakamad ku Taala Magaalada Bristol la soo taagay Loona Haysto Fal Gabadh Aan Qangadh ahayn Kula Kaceen

    Saddex iyo toban qof oo Soomaali ah. ayaa magaaladaBristolee dalka Britain waxaa maxkamad loo soo taagay dambiyo ah in ay gaysteen tacadiyo dhanka galmada ah, oo lagula kacay gabdho aan qaan gaar ahayn, waxaana tacaddiyadaasi ka mid ah kufsi iyo sido

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex iyo toban qof oo Soomaali ah. ayaa magaaladaBristolee dalka Britain waxaa maxkamad loo soo taagay dambiyo ah in ay gaysteen tacadiyo dhanka galmada ah, oo lagula kacay gabdho aan qaan gaar ahayn, waxaana tacaddiyadaasi ka mid ah kufsi iyo sidoo kale ka ganacsiga jirka gabdhaha.


Xaakimka maxkamadda, ayaa loo sheegay in shan kamidah 13-ka qof ay kufsadeen gabar 16 jir ah halka walaasheed oo 14 jir ahna uu kufsaday mid ka mid ah raggani.

Baaritaan ay booliska sameeyeen, ayaa lagu ogaaday koox kale oo Soomaali ah oo tacaddiyo u geysanayay afar gabdhood, kuwaasi oo la siiyay lacag gaareysa 30 gini iyo maandooriye si ay ula seexdaan rag ka da’ weyn oo ka tirsan bulshada Soomaalida ee halkaas deggan.

Maxkamadda, ayaa loo sheegay in gabdhaha qaar laga dhaadhiciyay in dhaqanka Soomaalida uu ka mid yahay in ragga ay gabdhaha kala beddeshaan.

Lix ka mid ah, ayaa xabsi lagu xukumay bilo ka hor halka toddobada kale la xukumay arbacadi la soo dhaafay.

Bulshada Soomaalida ee Bristol, ayaa arrintaasi cambaareysay, waxaana warbixin qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegeen in falkaasi uu yahay mid aan loo dulqaadan karin.

 


Contact@afkashacabka.com