Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Shirkad Turkiga Laga Leeyahay Oo Qarax Lagu Dilay

0
Friday November 28, 2014 - 18:31:42 in by salman abdi
  • Visits: 551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Shirkad Turkiga Laga Leeyahay Oo Qarax Lagu Dilay

    Injineer u shaqeynayay shirkadaha Turkiga ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay Qarax baabuurkiisa loogu xidhay, kaasoo kula qarxay degmada Shibbis ee gobolka Banaadir ee dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Injineer u shaqeynayay shirkadaha Turkiga ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay Qarax baabuurkiisa loogu xidhay, kaasoo kula qarxay degmada Shibbis ee gobolka Banaadir ee dalka Soomaaliya.


 

 
Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilkan, balse Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegatay inay mas’uul ka tahay dilal noocan oo kale ah oo lala beegsaday xubno dowladda ka tirsan, shaqaale haya’adeed iyo qaar ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho.


"Wuxuu ahaa Injineer qandaraasle ah oo la shaqeynayay hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Muqdisho. Ma garanayno sababta loo beegsaday, laakiinse waxaa socda baadhitaanno,” ayuu yidhi Cabdullaahi Maxamed oo ka mid ah saraakiisha booliiska Soomaaliya.
Sarkaalkan oo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay inuu Injineerka la dilay dhawaan kasoo laabtay dalka dibaddiisa, isagoo xusay in uu la shaqeynayay shirkadaha Turkiga ee caawiya dowladda Soomaaliya "Gaadhigiisa ayaa loogu xidhay waxyaabaha qarxa, taasoo ku qaraxday isagoo socda, wuuna dhintay,” ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalka booliiska Somalia ka tirsan ee la hadlay wakaaladaha wararka caalamiga ah.
Dilkaan ayaa kusoo beegmaya xilli Injineer u shaqeynayay dowladda hoose ee Xamar oo sannado ka hor kasoo laabtay dalka Mareykanka, kaasoo howl dib u dhis ah ka waday magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa iyaguna sheegay in qaraxu ahaa mid xooggan oo inta badan xaafadaha ay ka kooban tahay Muqdisho laga maqlay, iyagoo intaas ku daray in gaadhiga oo dhan uu burburay, ruuxii watayna uu gaariyooday.
Marxuumka dhintay ayaa ka mid ahaa dadka qurbaha ka soo laabtey ee doonayey inay gacan ka geystaan dib u dhiska Soomaaliya.



Contact@afkashacabka.com