Hay'adda IOM Oo Sheegtay In Inkabadan 161,000 Oo Tahriibayaal Ahi Gaadheen Dalka Talyaaniga Sannadkan Gudihiisa - Bishan November oo keliya

0
Saturday November 29, 2014 - 13:08:13 in by salman abdi
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda IOM Oo Sheegtay In Inkabadan 161,000 Oo Tahriibayaal Ahi Gaadheen Dalka Talyaaniga Sannadkan Gudihiisa - Bishan November oo keliya

    Bishan November oo keliya waxaa badaha laga soo badbaadiyey illaa 8000 oo qof, waxaana dalka Talyaaniga tobankii casho ee ugu dambaysay soo gaadhay in ka badan 5,000

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bishan November oo keliya waxaa badaha laga soo badbaadiyey illaa 8000 oo qof, waxaana dalka Talyaaniga tobankii casho ee ugu dambaysay soo gaadhay in ka badan 5,000

Mahad Cabdi Cali wuxuu ahaa saxafi ka hawlgala magaalada Garoowe, hase ahaatee wuxuu ka mid noqday dhalinyarada gasha safarada Tahriibka, xilligan wuxuu ku sugan yahay dalka Libya, intii uu safarkaas ku jiray Mahad wuxuu goobjoog u noqday geerida illaa 38 ka mida dhalinyarada Somalida ah ee tahriibaysay, sidoo kale wuxuu ka sheekaynayaa hablo badan oo safarkaas tahriibka galay oo la kufsaday.


Sidoo kale Cismaan Jaamac Caydiis isaguna waa wiil kale oo dhalinyaro ah wuxuu ka tegey magaalada Burco, Cismaan xilligan wuxuu ku sugan yahay dalka Libya, wuxuuna ka soo badbaaday doon ay saarnaayeen oo degtay oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof oo asxaabtiisii ka

mida, Cismaan weli wuxuu niyadda ku hayaa inuu markii afraad isku dayo inuu badda ku noqdo.Hay’adda IOM ayaa sheegtay in inkabadan 161,000 oo tahriibayaal ahi inay si nabada ku soo gaadheen dalka Talyaaniga sannadkan gudihiisa. Laakiin qaar badan oo ka mid ah tahriibayaan Ayaan iyagu fursaddaas helin, waxaana badaha ku geeriyooday ama illaa hadda la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen illaa 3,200 oo ruux.

Bishan November oo keliya waxaa badaha laga soo badbaadiyey illaa 8000 oo qof, waxaana dalka Talyaaniga tobankii casho ee ugu dambaysay soo gaadhay in ka badan 5,000 oo tahriibayaal ah ka dib markii ay u gurmadeen maraakiib badda maraysay xilli dadkan muhaajiriinta ahi ay biyaha dul sabbaynayeen.

Afhayeen u hadlay hay’adda IOM oo lagu magcaabo Joel Millman ayaa sheegay in cabsi iyo duruufo adag oo dalalkooda ka soo foodsaaraa ay dadkan tahriibayaasha ah ku soo riixaan inay galaan safaro sidan u khatar badan


 

Contact@afkashacabka.com