Madaxweynaha Faransiiska oo Noqday Hoggaamiyihii Reer Galbeedka ah ee ugu Horreeyey ee Booqda Waddan Cudurka Ebola ku Dhuftay

0
Saturday November 29, 2014 - 13:14:51 in by salman abdi
  • Visits: 697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Faransiiska oo Noqday Hoggaamiyihii Reer Galbeedka ah ee ugu Horreeyey ee Booqda Waddan Cudurka Ebola ku Dhuftay

    Francois Hollande oo ah hoggaamiyihii reer galbeedka ah ee booqda mid ka mid ah saddexda dal ee uu Ebola sida xun ugu dhuftay ee Liberia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Francois Hollande oo ah hoggaamiyihii reer galbeedka ah ee booqda mid ka mid ah saddexda dal ee uu Ebola sida xun ugu dhuftay ee Liberia

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee dadka reer galbeedka ka soo jeeda ee booqda waddamada cudurka Ebola ku dhuftay wixii ka dambeeyey intii cudurkaas ku baahay.

Booqashada Madaxweynaha Faransiiska waxa u wehelinaayey ciidammo aad u badan oo ilaalinayey, waxaannu u ballanqaaday dhigiisa dalka Guinea in dalkiisu tusaale u noqon doono in caawimo badan loo fidiyo waddamada cudurkan ka qarxay.


In ka badan 5,700 qof ayaa
Francois Hollande oo ah hoggaamiyihii reer galbeedka ah ee booqda mid ka mid ah saddexda dal ee uu Ebola sida xun ugu dhuftay ee Liberia, Sierra Leone iyo Guinea, waxa booqashadiisan soo jiidatay caalamka oo dhan iyo dadka ku dhaqan Guinea. 

cudurkan Afrika ku dilay, taasoo noqtay markii ugu xumayd ee taariikhda adduunka soo marta in cudurkan caalamka intaas oo dad ah ku laayo.

 

Haddaba, dalka Guinea oo kaliya wuxuu ku dilay 1,260 qof oo ka mid ah 2,134 qof oo laga helay xannuunka Ebola.

"Wada jir baynu ka nahay in aynu la halgano, waxaanna na saaran waajibaad ah inaannu idin taageerno,” ayuu yidhi waqti uu booqasho ku tegay cusbitaal la dhigo dadka cudurka Ebola haleelo.

Madaxweynaha Faransiiska oo sidoo kale warbaahinta la hadlay waxa uu yidh; "Dawladda Faransiisku waxay doonaysaa in ay tusaale u noqoto in taageero dhab ah la fidiyo, waana taageero bani’aadam, taasoo ah ta ugu muhiimsan, waxaanan tiraya farriin rajo wanaag ah.”

Mr. Hollande ayaa safarkiisa uga soo gudbi doona dalka Senegal oo uu ku lahaa kulan ka dhacaya magaalada Dakar ee dalkaas, waxaannu ballanqaaday inta uu shirka caasimadda Senegal ka dhacaya uu caalamka u diri doono baaq caalami ah oo cudurkan lagaga hortagaayo.

Dawladda Faransiiska waxay ballanqaaday in ay 100 milyan oo lacagta Yurub ah, una dhiganta $125 milyan oo doollar uu deeq ahaan u bixin doonaan si loogula dagaalamo Ebola, gaar ahaan waddanka Guinea oo Faransiisku .

Madaxweynaha Faransiiska intii uu dalkaas ku sugnaa waxa aad u soo dhaweeyey shacabka, iyadoo xataa laf ahaantiisa lagu baadhay qalabka lagu eego heer-kulka qofka ee sheega inuu Ebola hayo, gaar ahaan waqtiyadii uu cusbitaalka booqanaayey.



Contact@afkashacabka.com