Carlo Ancelotti Iyo Real Madrid Oo Hiigsanaya Inay Jabiyaan Rekoodh Ay Barcelona Dhigtay 2006 Kii, Muxuuse Yahay Recordkaasi?

0
Sunday November 30, 2014 - 17:19:24 in by Burco Office
  • Visits: 913
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carlo Ancelotti Iyo Real Madrid Oo Hiigsanaya Inay Jabiyaan Rekoodh Ay Barcelona Dhigtay 2006 Kii, Muxuuse Yahay Recordkaasi?

    Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa kulankii xalay ee ay kooxdiisu guusha ka soo gaadhay kooxda Malaga ku dhigay rekoodh cusub kaas oo ah inay kooxdiisu guulaysatay 16 kulan oo xidhiidh ah, wuxuuna recordkaas kala wareegay tababaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa kulankii xalay ee ay kooxdiisu guusha ka soo gaadhay kooxda Malaga ku dhigay rekoodh cusub kaas oo ah inay kooxdiisu guulaysatay 16 kulan oo xidhiidh ah, wuxuuna recordkaas kala wareegay tababarayaashii hore ee Real Madrid Muñoz iyo Mourinho oo min 15 kulan oo xidhiidh ah kooxda guul u horseeday.


Ancelotti ayaa magiciiisa ku qoray buuga xusuus qorka Real Madrid, laakiin wali intaa kuma joogi doono ee waxay isaga iyo kooxdiisa Madrid ku hamiyayaan inay jabiyaan rekoodh ay Barcelona dhigtay xili ciyaareedkii 2005-2006 markaas oo uu kooxda macalin u ahaa Rijkaard.

Barcelona ayaa haysata rekoodhka guulaha ugu badan ee ay koox Spainish ahi si xidhiidh ah u guulaysato, waxayna ku haysaa recordkaas 18 kulan oo guul xidhiidh ah.

Rijkaard ayaa Barcelona u horseeday inay 13 kulan oo horyaalka ah, 3 kulan oo Champions Leaquega ah iyo waliba laba kulan oo Copa Del Rey ah ay si xidhiidh ah u guulaysato. Laakiin haddii ay Barcelona recordkaas muddo dheer haysatay ayuu hadda halis ku hiraa.

Haddii ay Real Madrid guulaysato labada kulan ee soo socda, waxay barbareyn doontaa rekoodhkaas ay Barcelona ku haysatay kooxda guulaha xidhidhka ah ee ugu badan ku haysatay Spain.

Madrid ayaa labada kulan ee ugu soo horeeya Bernabeu kula ciyaari doonta kooxaha Cornellà oo ay hore 4:1 ku soo garaacday iyo waliba Celta Vigo.Haddii ay labadan kulan guulaystaan waxay marka ka firkiri doonaan inay kulanka Champions Leaquega ee Ludogorets guul ka gaadhaan si ay unoqdaan kooxda guulaha xidhiidhka ah ee ugu badan gaadha Spain.

contact@afkashacabka.com