Wasiiru Dawlaha Maaliyada Oo Ku Soo Faqay Madal U Fadhiyo Wasiirka Caddaaladu ,Cadaalad-Darrada Ka Jirta Maxkamadaha

0
Wednesday February 05, 2014 - 19:30:19 in by Super Admin
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiru Dawlaha Maaliyada Oo Ku Soo Faqay Madal U Fadhiyo Wasiirka Caddaaladu ,Cadaalad-Darrada Ka Jirta Maxkamadaha

    Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid ayaa shalay gaadhay Gobalka Sannaag ee magaalada Ceerigaabo, kaas oo salka ku haya cadaaladda jeelasha iyo maxkamadaha Gobalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid ayaa shalay gaadhay Gobalka Sannaag ee magaalada Ceerigaabo, kaas oo salka ku haya cadaaladda jeelasha iyo maxkamadaha Gobalkaas.

Wasiirka Cadaaladda oo shalay Xadhiga ka jaray xarun loo dhisay maxkamada Gobalka Sannaag, iyadoo munaasibadaas ay ka soo qayb-galeen Wasiirka Gashaandhiga, Wasiir ku-xigeenka macdanta iyo Tamarta iyo Wasiiru-dawlaha maaliyada Caddaani, isla markaana Wasiiru-dawlaha maaliyada, ayaa kulankaas ka cadeeyay in wax cadaalad ah ka jirin Gobalka Sannaag, taasoo aad u damaqday Wasiirka Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid.

Wasiirka cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo kulankaas jawaab ka bixiyay eedaha uu u soo jeediyay Wasiiru-dawlaha cadaaladda, ayaa sheegay in masuuliyadaasi leedahay Guddida cadaalada. "Waxa halkan iigu horaysay 2011-kii, iiguna dambaysay. Garsoorayasha eraygiisa, qoridiisa iyo badelkiisa malihin, markaa hawshaas iyo eedaas ciddii leh ayay talaa ubucdeedii, waana Guddida cadaalada,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid.

asiiru-dawlaha Wasaarada maaliyada Somaliand Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), ayaa sheegay inay cadaalad-darro ka jirto Gobalka Sannaag, isla markaana waxa uu soo jeediyay in loo baahan yahay in laga fekero sidii cadaalad loo samayn lahaa, waxaanu yidhi, "Waxa loo baahan yahay inaynu dhisno dadka aynu doonayno inay cadaalad u sameeyaan dadka.

Runtiina wax cadaalada oo ka jirta Gobalka Sannaag ma jirto. Qofka dil ayaa lagu xukumayaa. Qofka cadaaladdaas qaadayaa waa inuu noqdaa qof u qalma oo aan wax laaluush ah iyo shilimo yar oo xaaraan ah qaadan waa inuu noqdaa, taas ayaynu ku gaadhaynaa dawlad-nimo iyo dad-nimo.”

Sidoo kale kulankaas waxa waxa ka hadlay Taliyaha Gobalka Sannaag iyo Taliyaha Saldhiga Ceel Af-weyn, kuwaas oo inta badan ku dheeraaday sidii cadaaladda wax looga qaban lahaa. Read more: Wasiiru-dawlaha Maaliyada Oo ku soo faqay madal uu fadhiyo wasiirka caddaaladu,Cadaala-darrada ka jirta Maxkamadaha dalka