Abaal daranidaa miyaanan hooyadaa ahayn ?? WQ: Eng Shaakir Maxamed

0
Monday December 01, 2014 - 08:20:02 in by salman abdi
  • Visits: 1523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abaal daranidaa miyaanan hooyadaa ahayn ?? WQ: Eng Shaakir Maxamed

    Waxa ay ahayd waqti aan dareemay xanuun aad u badan oo astaamahiisu igu cusub yaheen waxa aan ka go,ahay hurdo, jiif iyo joogba waan diiday waxa aan ka tegay oo ka go,ay cuntadii iyo cabitaankiiba,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa ay ahayd waqti aan dareemay xanuun aad u badan oo astaamahiisu igu cusub yaheen waxa aan ka go,ahay hurdo, jiif iyo joogba waan diiday waxa aan ka tegay oo ka go,ay cuntadii iyo cabitaankiiba, waxa aan galay maalmo iyo habeeno cusub oo aanan hore u arag ,waan fekerayaa waanan yaabanay mana garanaayo wax ihaya ,markii aan in mudada ah sidaa ahaa ayaan waxan soo aaday xagaa iyo cusbitaalka waraysi iyo baadhis badan ka dib waxa lay sheegay in aan uur leeyahay oo calooshayda ilmo ku jiro markii intaa laysheegay ayaan farxay oo xanuunkii ihayey iga ba,ay farxad aawadeed ,waxa aan allaah ugu mahad naqay in uu iga beero qof binu aadam ah oo qayb jidhkayga ka mid ah

Waxa aan ugu soo qaaday calooshayda sagaal bilood oo aan culuskaaaga ku siday ,oo aad dhex jiiftay oo aad dhex soc soconaysay
Markii lagaadhay waqtigii aad dhalan lahayd waxa aan kale dhex galay nolol iyo geeri dhexdood xanuun aawadii illaahay mahadi waad dhalatay waan ku farxay markii aad dhalatay oo waan kuu riyaaqay waxay ii ahayd in aan helay hadyad qaali ah oo ah ta adduunka ugu qaali san ee allaah bixiyo oo ah in aan ku dhalay oo aan helay qof dhiigayga iyo dheecaan kayga ah kana soo go ,ay qaybka mid ah jidh kayga
Waxaan kuula baxay magaca magacyada ugu qaalisan oo aan kuugu yeedhi jiray
Waxa aan kugu bilaabay in aan kugu canqariyo caanaha naaskayga oo ah dhiigayga ,waxa aan idhibayn kaadidaada saxarada iyo hungaacadaada aad dhabtayda iyo dhabarkayga ku saydhin jirtay
Oo aan dhib ugu hayn
Wax ku dhiba kuuma ogolayn meel xuna kuma seexin wax aad hayd mid hoygiisu yahay dhabtayda laabtayda kuna ilaaliyo dhabtayda laabtayda iyo in aan kugu qaado dhabarkayga
Waxa aan kuugu heesi jiray heesaha caruurta hooyadu ugu heesto kuwa ugu wacan ee ugu macaan ee amaanta iyo dhiiri gelinta isgu jira
Waxa aan sidaa kugu waday waxa aad gaadhay waqtigii aad hadalka baran lahayd waxa aadna ku hadal baratay hoodo markii hore iyo aabbe waxa aan ku baray afsoomaaliga dhabta ee saxda ah ee aan lahayd suuqiga iyo cayda iyo hadalada xunxun marka aad wax iga dalbato waxa aan ahaan mid markiiba ka jawaabi jiray codsigaa .
Markii aad gaadhay waqtigii malcaamadaha waxa aan ugu ababshay kalaamka allaah <qur,aanka > markii aad xafiday qur,aanka waxa an kugu daray iskuulka inta aad iskuulka ku maqan tahay waxa aan ku jiray werwer aan ka qabo in ay dhibaato ku soo gaadho
Waxa aan kuu diyaarin jiray subax kasta iyo habeen kasta cunto iyo cabitaan dharkii aad xidhan lahayd iyo meeshii aad seexan lahayd muddadii iskuulka oo odhan markii aad dhammaysay iskuulka aad ka qalin jebaysay waxa aan bilaabay sidii aad jaamacadii ku heli lahayd waxa aan ka fikiray soo jeed badan u galay sidii aad u helilahayd in aad dhamaystirato aqoontaada wax aan kuu diray jaamacad dalka debediisa ah intii aad ku maqnayd jaamacada habeen calooshayda maskaxdayda iyo maankayga mid walba kama aad bixin waxa aan lahaa tolow maxaa soo yeedhi doono ma nabad qabaa ma xanuunsanyaa mise waa caafimaad qabaa cunto cabitaan iyo meel wacan oo uu seexdo mahaystaa wax ay ii ahayd werwer iyo walbahaar habeen walba oo habeenka oo dhan qayb ayaan soo jeed ku qaataa sidaa waxay ahaatoba markii aad soo dhamaysay waxa aan kuu guurshay qof kula mid ah oo kuu dhigma markii aad noqotay reer igarab yaal waxa aan ahaa mid marwalba kaa soo warhesha waxa aad qabtana ka warhaysa oo aan marnaba kaa maarmin waxa aan ahaa mid ku faraxda aragtidaa iyo hadalkaaga mid aan jeclayn in ay mar qudha ku waydo
Markii allaah awlaada ku siiyey waxa aan ahaa mid xanbaarta caruurtaada ilaalisa oo jecel marwalba

Aniga oo intaas oo dhan kuusoo sameeyey oo naftaada iska leh illaahay ka sokow
Maxaad iigu abaal guday hooyo ?

Waxa aan kuugu abaal guday in aan ku caayo oo haddi aanu cid wada hadlayno aan ku caayo oo haddii aanu cid isdagaalno aanan cadho jabin ilaa iyo aan ku caayo mooyaane

Waxa aan ugu abaal guday canaan iyo inkiraad
Waxaan uugu abaal guday gacanka hadal iyo garaac
Waxaan ugu abaal guday in aan ku siin waayo xaqaaka aad ugu leedahay
Waxa aan kuugu abaal guday in aan ku maqli waayo hadalkaaguna qiimo lahayn
Waxa aan kuugu abaal guday in aan ilaawo wixii aad ila soo martay oo
dhan

hooyo ma waxa aad isku aragtay xooga iyo caafimaad ka ?
hooyo ma waxaad aragtay adiga oo intaa leeg waxa aad ilowday wixii aan markii aad yarayd kula soo maray?
Hooyo miyaanan ku dhalin oo aan hooyadaa hayn maxaad waxaa iigu quudhay ?!
Haddii aan maalintii aad yarayd ku tuuro manta waxaas oo dhani ima heleen 

Hooyo abaal daranidaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!




WQ: Eng: Shakir Xaji Maxmed Cali
Burco Somaliland