Door intee leeg ayuu ka ciyaaray Dahabshiil horumarka dalka? WQ: Yousuf Ahmed Dahir

0
Tuesday December 02, 2014 - 13:36:34 in by salman abdi
  • Visits: 1208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Door intee leeg ayuu ka ciyaaray Dahabshiil horumarka dalka? WQ: Yousuf Ahmed Dahir

    Waxaan jeclahay in aan ku baraarujiyo dadka qoraalkan akhrin doona, siiba qalinleeyda iyo dadka akhriska ka ag dhaw ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan jeclahay in aan ku baraarujiyo dadka qoraalkan akhrin doona, siiba qalinleeyda iyo dadka akhriska ka ag dhaw ,

in ay ogaadaan, in sida dadka nooli qaddarin iyo xushmad ugu baahan yihiin, ay sidoo kale taariikhda iyo dadka wax taray dadka iyo dalkaba iyaguba xushmad iyo qaddarin u baahan yihiin oo ay u noqonayso dhiirigelin (motivation) oo hadii lagu dhiiri geliyo laga yaabaa in ay kasii kor dhiyaan.


Waxaan sidaa u leeyahay dadku ma qiraan qofka guulaysta ama horumara ee soomaaliyeed waana dhibta keliya ee soomaali haysata . Maanta hadaad qiriwaydo qofka wax qabta ogow adna laguma qiraayo inaad jirto!
Waxaan Sidaa u leeyahay waxay bulshadeenu wax ka maqashaa wax layidhaa kutiri kuteen iyo in ay waxay arkaanba ku saleeyaan qab yaalad ogsoonow hadaad aragto qof wax qoray laba siyaabood uunbuuu wax u qoraa in uu arkay wax dayacan ama in uu arko wax siwanaagsan loo qabtay oo uu ku taageeraayo ama u hanbalyaynaayo oo labaduba mudan yihiin in laga hadlo.
Alla badanaa oo badanaa inaad aragto wax baddan oo dayacan oo aanad dheg jalaq usiin alla badanaa oo kale inaad aragto qof aad iyo aad wax utaray dadka iyo dalka oo aanad ku hanbalyayn.
Hadaba hadaan u gunda dego ujeedada maqaalkan maaha midaan u qoray mansab ku hel iyo amaan, laakiin waxaan jeclahay inaan ku baraarujiyo naftayda iyo nafaha kale ee ila midka ah in ayku daydaan dadka ku dayashada fiican leh sida dadka caqliga iyo fikirka u saaxiibka ah, hadaba dhalinyarooy maanay ahayn inaan ku dayano dahabshiil oo marka magaca soomaali lasheego laynagu garto
Shirkada Dahabshiil waxa aasaasay isla milkiilaha shirkadda, Mudane Maxamed Siciid Ducaale sannadkii 1970, waxaanaa lagu aasaasay arimo sida ganacsi hase ahaatee waxaa markiiba uu u dhalan rogay shirkad xaga xawilaada lacagaha oo caalamka idil ku baahda oo wakiilladeeda iyo shirkadaha kale ee ay la bahowdey awood u siiya macaamiisheedu inay lacago u soo diraan qoysaskooda iyo asxaabtooda ku nool Geeska Afrika. taas oo ah ta ugu way ee uu ka gaadhay guusha ugu saraysa ama uu noqday qofkii koowaad ee soomaali ah oo ka shaqeeya shaqo tan oo kale ah amaba ka noqday mulkiile yeesha shirkad tan oo kale ah.
Shirkadda oo afartan sannadood ka hor hal goob ka soo aasaasantay, maanta waxa ka hawlgala oo u shaqeeya in ka badan 2000 oo qof oo adduunka meel kasta ka jooga. Maanta ma jirto cid deyn amma qaan ku leh shirkadda Dahabshiil, waxaana lagu qiyaasaa daqliga faa’iidadda sanadkiiba illaa iyo 200 oo milyan oo doolarka maraykanka ah.


Hadaba ayadoo aad arkayso sida ay isku bedelayso marxalada shirkada iyo faa’idada sanadkii ay helaan waxaa lagu yaqaanaa shirkada ama mulkiilha Dahabshiil dhibirsanaan uu umadiisa u dhibirsanyahay ama ay ka go’antahay oo la arkikaro in uu bulshadiisa uu ka dhex adeego wax ku celiyo oo uu u qabto adeego lacag la’aan ah sida :-


1) Horumarinta adeeg yada aasaasiga ah ee bulshadda
2) Ka qaybqaadasha mashaariicda
3) Horumarinta iyo ku xidhidda bulshada Somalida ah nidaamka dhaqaale ee caalamka.
4) Kaaba yaasha dhaqaalaha , jidadka, waxbarashada,gurmadyada deg dega ah
5) Dhisida cusbitaalo,dugsiyo waxbarasho fasalo jaamacadeed ,

Buundooyin ama biriijyo, meelo wax lagu akhristo iyo dhisma yaal jaamacadaha lagu kordhiyo, kor uqaadida bilicda magaalooyinka.
Markaad u fiirsato shirkadan waa mid aad u horumarsan xaga maamulka iyo xaga shaqaalaha taasna waxaa kaaga marag ah markaad tagto sida laguugu adeegaayo. Markaad tiamaado waxaad dareemaysaa in lagu danaynaayo oo aad tahay muhiim, waxaa halkaa ay ku gaadhay shirkadu ama isku bedelayso waayadan danbe ee ay usii noqonayso mid horumarsan waxaa hogaaminaaya dad aqoon xeel dheer leh oo uu ugu horeeyo cabdirashiid Ducaale.


Hadaba anoo u hoga tusaalaynaaya dadka cilmiga iyo heerkiisa aan soo hadalqaado Maansadii uu tiriyay abwaan Cabdi waaxid Cali Gamadiid:-


Aduuyada cilmi iyo tacliin ayaa lagu tanaadaaye
Kuwa samadda tegay waa aqoon waxay ku tookheen
Tartanbay ku gaadheen halkaa kuna tis qaadeen
Tubta noloshu way durugsantahy waana tahan dheer
Tuuryo gaadhimayso iyo dhawaaq laysla tooxaaye
Halkay taalo webiyaalna waa laga talaabaa
Marna waa cirkaa tiigso iyo toban kun oo baac
Marna tulud liqbaa kaaga filan qaabaday tahay


////////// Abwaan Cabdi waaxid Cali gamadiid///////


Hurumarku waa mid u muhiim ah naftaada iyo dalkaagaba kaas oo aad ku gaadhi karto mansab aad u sareeya walaw aad noqotidba mid dadku ku daydaan oo lahigsado.


Hadaan usii gunda dego waxaa dahbshiil uu hir geliyay shirkad isgaadhsiineed oo layidhaa (SOMTEL)ka hana qaaday ama kawada shaqaysa Somliland dhawaanahan danbena gaadhay koonfur ama Somaaliya taas oo inoo suurto galisay suuqii kootada u ahaa shirkadaha in lahelo shirkad la tartanta oo u danaysa macaamiisha ama dadwaynaha inagoo kuhadalna imika tusaale ahaan 0.12 ama 0.1 oo u dhiganata (kun iyo laba boqol ama boqol shilin) halka waayadii hore lagaga hadli jiray $10 Dollar ama $ 5 Dollar.


Waxaa iyana meesha kamaqnayn oo taas dheer in lasoo kordhiyay adeegyo xaga adeega internet-ka ah oo inoo sahla inaan ku dhigano jaamacado ama aan kaga faa’idaysano waxaynu u baahano anigoon jeclyn inaan ku sii dheeraado qoraalka ama waxaa aan wada arki karnaa horumarka uu ku talaabsaday dahabshiil siiba xaga xafidashada/Dhigashada lacagaha oo hadaad maanta lacag badan haysato aad ku kaydsanayso wakhtiga aad doontana qaadanayso waxaa iyana horumar wayn ah in hadaad daafaha dunida maanta dan kaa gasho oo aad lacag u xawilayso/lagaaga soo diraayo inaad markiba niyadaada aanay shirkad kale kusoo dhacayn oo ay kuu sahlayso shirlkada dahabshiil,waxaa iyana sanadkan laguu furay in lacagta laguu soo dhigo dahabshiil halkaad ka doonan lahayd in laguugu soo diro gurigaaga ama goobtaada shaqo oo lasoo kordhiyay adeeg layidhaa E-DAHAB oo ah in laguugu soo diro kaadh kaaga (Somtel). 


Maalintii ladaah furay Adeega xawilaada Mobile-ka lacagaha ee (Mobile Money Transfer)ayaa waxaa igudhashay ama igu soo dhacay inaan ereyadan amaanta ah usoo jeediyo maamulka Shirkada DAHABSHIIL GROUP:-


Ma muunsoon beryahan
Mana muraaqoone
Mida hadalka uma meerin
Uma miridhin dibnuhu
Sidii millicda maalmeed
Waayadaa maan milin mana moorayne
Aan mutaysto ku madheedhso maansada,
Midaan maata soo midaye
Aan maroorsho ku miciinto "ma”
Marka hore mabsuud guud, saxanoo wanaagbaddan
Masiirkeedu midigtiyo, maskaxdiyo beerkiyo,
Mixnadaha ciddiyaha iyo ilaa maanka hoose leh
Marka xigta mid gaaroo xushmad iyo wanaagba leh
Midka manta garasho leh, masuulnimiyo maalba leh
Garashiyo aqoon iyo muslinimo xeel-dheer Alleheen ku shaaximay
Amaaniyo adeeg hufan masuulkiisaaad tahy
Astaantaadu miridhtahay
Surcadiyo fudaydkuna sawaracaaga uu yahay
Aan mutaysto maansada halakaan miinka ku lahaaye
Aan mutuhiyo maalmo badan miciin loobaahday
Aan mitiriyo meel ilaa ka meel moqorka aan joogno
Mida saylac ilaa moos ka moos mirowga gaashaamo
Oo dir firgo’ay darbiyada agoon daadsan iyo maati
Haday masiibiyo mahadho meeraanto
Adigaa marqudha oog sadoo maatidaa bixiya
Adigaa malyuun ugu dara malyuun meelkasta aad joogto
Adigaa marshada qaar geeya oo mihnadeeya
Adigaa bulshada abaal ugala sabbab la’aaneed
Hamildhaawin guushaa mayara gayiga way taale
Imikana insha’allaah eebahay hawado E-Dahabkaa ah
Allahay abaalkaa hagudo sabab la’aaneed.




W/Q:Yousuf Ahmed Dahir
Email:- Yuusufgatto@gmail.com
065 9181713/ 063 4435143