Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Maanta Loo Qaybiyey Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta.

0
Tuesday December 02, 2014 - 21:56:52 in by salman abdi
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Maanta Loo Qaybiyey Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta.

    Mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa maanta loo qaybiyey xeerka ilaalinta deegaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa maanta loo qaybiyey xeerka ilaalinta deegaanka.

Fadhiga maanta ee mudanayasha golaha wakiilada somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi md Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa xildhibaanada loogu qaybiyey xeerka ilaalinta kaymaha iyo duur joogta kaas oo ay golaha hor keeneen xildhibaano ka kala tirsan guddiyada uu golahaasi ka kooban yahay.

Xildhibaan Siciid oo ka mid ah xildhibaanada golaha hor keenay xeerkan ayaa faah faahin ka bixiyey xeerkaasi, waxaanu sheegay inay xeerkan soo diyaariyeen xildhibaano aragti wadaag ah oo daraasad sameeyey waxaanu yidhi "socdaal ay sameeyeen xildhibaano ka kala tirsan gudiyada kala duwan ee golaha wakiilada waxa ka soo baxay sadex xeer oo muhiim u ah ilaalinta deegaanka iyo duur joogta kuwaas oo kala ah xeerka deegaanka qaranka, xeerka ilaalinta kaymaha iyo duur joogta iyo xeerka maamulka qashinka, sadexdaas xeer waa maxsuulka ka soo baxay xildhibaanada aragti wadaagta ah ee ka koobnaa guddiyada kala duwan ee golaha.” Ayuu yidhi xildhibaan Siciid

 

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa xildhibaanada golaha ku war geliyey inay soo akhriyeen xeerkan isla markaana ay doodiisu golaha ka bilaabmi doonto maalinta sabtida ah.

 

Contact@afkashacabka.com