Khiyaamo rag iyo Garaad haween. Qaliikii; Nada Yuusuf Cumar

0
Wednesday December 03, 2014 - 18:48:36 in by salman abdi
  • Visits: 2212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khiyaamo rag iyo Garaad haween. Qaliikii; Nada Yuusuf Cumar

    Haa, in badan ayuu gurigoodu dhisan yahay. waxa ay isu dhaleen carruur dhawr ah. Xaliimo iyo Daa'uud ifka ayay isugu jecel yihiin. Uu kool kooliyaa, koriyaa, kafaalo qaataa. uu u hiililyaa, u hagar baxaa, harraad iyo gaajaba tiraa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haa, in badan ayuu gurigoodu dhisan yahay. waxa ay isu dhaleen carruur dhawr ah. Xaliimo iyo Daa'uud ifka ayay isugu jecel yihiin. Uu kool kooliyaa, koriyaa, kafaalo qaataa. uu u hiililyaa, u hagar baxaa, harraad iyo gaajaba tiraa.

Iyana indho aan isaga ahayn male, way adeecda, u hooggaansnta, maqashaa, maamuustaa, maalkiisa dhawrtaa, milgihiisa ilaalisaa oo waliba sida dhallaanka u qaada dhigtaa.

Waxaas oo arrimo ah oo isku qooshani waa kuwa Xalimo siiyay kalsooni iyo kal gacal xad dhaafa. Waa kuwa ay ninkeeda Daa'uud ugu faanto haweenka kale. Waa kuwa ka dhaadhiciyay in aanu Daa'uud gabadh kaleba eegin iyada mooyee.
Habeen kama dhaxo oo ma ah gododle habeenba guri seexda, safarro uma baxo oo shaki kuma ridaaan, Sidanay u aamintay oo ay u jeclaatay oo ay u taqaana in dhawroone ku indho kuusha iyada.

Haweenku way iska hadal badan yiin oo intaa waxbay xantaane waxa ay is waydiiyaan "horta Xaliimo ninkeedu ma naag kaluu leeyahay mise waa iyada uun"
Marka ay u timaado ama la is arko ayay waydiiyaan su'aashan "Xaliimooy horta haddii Daa'uud kula guursado sidee yeeli lahayd?"

Weger hawl yaraa hadalku, naa ma Daa'uud ayaad ka dhammaan la'diin, walaal muxuu guursan ma isagaa u haystaba in ay adduunka gabadh aan Xaliimo ahayni joogto".

Haweenku waa balaayo oo wax kasta way ogaadaane, kuye ,
Naa hadda naagta sidaa u hadlaysa haddii la soo baadho ninkeeda wallee in naag kale isaga oo qaba la ogaan, naa yaadhaheen waxay isaga kalsoonaatay nin Soomali walaal raggu aaminaad male yaa yidhaa miskiinta.

halkiibaaba go'aan lagu qaatay ah in la soo ogaado oo la daba galo Daa'uud in uu xaas kale leeyahay iyo in kale. Muddo ka dib waxa la Soo xaqijiyay in uu Daa'uud leeyahay xaas kale oo ay waliba Afar carruura u leedahay. waar bal ammuurtan kaalay!

Xaliimo oo aan warkaaba hayn oo carruuteeda iyo duqeeda iskaga faraxsan watan goor aan hadhna ahayn habeenna ahayn loo yimi.
" Naaya Xalimo ninkaagu naag labaad buu kula qaba ilayn" Warkoodii ayay u haysataa oo dhegba jalaq uma siin.
Way ku celisay haddana eega dee been bay iga moodaysaaye.
Naa naag buu kula qabaa oo annagaa soo oganaye arroota ha inoo ahaato indhahaaga oo shana annagaa ku tusaynee.


Lasoco qaybta danbe.

Nada Yuusuf Cumar.
Bahda Hiilqalin.