
Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Somaliland Oo Guddi U Magacaabay Aaska Marxuun Maxamed Saleebaan Tubeec Oo Dhawaan Geeryooday.
Wareegto Uu Qasriga Madaxtoonyada Ka Soo Saaray Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Ayaa U Dhignayd Sidan
U Jeedo Magacaabis Guddi Aas Qaran
Mudanayaal
Sida Aan La Socono Waxa Dalka Jarmalka Ku Geeryooday Fanaankii Waynaa Ee Maxamed Suleebaan Tubeec(AHN) Waxa Ay Dawladu U Samayn Doontaa Aas Qaran .
Haddaba Waxa La Idiin Magacaabay Guddida Qaban- Qaabada Aaska Marxuunka Waxaanad Isku Duba Ridi Doontaan Habsami U Socdka Hawsha Aaska.
Marxuumka Waxa Lagu Aasi Doonaa Magaalada Berbera Ee Gobolka Saaxil Oo Uu Ku Dhashay, Ku Barbaaray Kuna Dardaarmay .
Guddida Uu Madaxweyne Ku Xiggeenka U Magacaabay Aaska Marxuun Maxamed Suleebaan Tubeec Ayaa Kala Ah
1- Wasiirka Wasaarada Dhanliyarada Iyo Ciyaaraha
2- Wasiir Ku Xiggeenka Wasaarada Warfaafinta
3- Wasiiru Dawlaha Madaxtoonyada
4- Wasiir Ku Xiggeenka Amniga
5- Badhasaabka Gobolka Saaxil
6- Maayirka Magaalada Berbera
7- Maareeyaha Dekeda Berbera
8- La Taliyaha Madaxweynaha Ee Arimaha Bulshada
9- Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame(Hadraawi)
10- Abwaa Xasan Xaaji C/Laahi(Xasan Ganey)
11- Boqor Axmed Ugaas Iimaan
12- Maxamed Xasan Cali (Waji)
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com
Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Somaliland Oo Guddi U Magacaabay Aaska Marxuun Maxamed Saleebaan Tubeec Oo Dhawaan Geeryooday.
Madaxweynaha Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil(Saylici) Ayaa Caawa Si Rasmi Ah U Magacaabay Guddid Qaban-Qaabada Aaska Qaran Ee Loo Samaynayo Marxuun Maxamed Saleebaan Tubeec Oo Dhawaan Dalka Dibadiisa Ku Geeryood