Isku Aadka Tartanka Qaramada Afrika Ee 2015 Oo La Soo Saaray

0
Thursday December 04, 2014 - 08:59:09 in by Burco Office
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku Aadka Tartanka Qaramada Afrika Ee 2015 Oo La Soo Saaray

    Isku aadka Koobka Qaramada Afrika ee sanadka soo socda 2015 ayaa caawa lagu sameeyay magaalada Malabo ee Equatorial Guinea. Tartanka Koobka Qaramada Afrika ayaa bilaaban doona 17-ka bisha Janaayo ee 2015 waxaana uu dhamaan doonaa 8-da Febraayo. Gro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isku aadka Koobka Qaramada Afrika ee sanadka soo socda 2015 ayaa caawa lagu sameeyay magaalada Malabo ee Equatorial Guinea. Tartanka Koobka Qaramada Afrika ayaa bilaaban doona 17-ka bisha Janaayo ee 2015 waxaana uu dhamaan doonaa 8-da Febraayo. Group-ka ugu adag ayaa waxaa ku jira xulalka Ghana, Senegal, South Africa iyo Algeria, waxaana lagu tilmaamay midka ugu adag Group-yada afarta ah ee loo qeybiyay Tartankan.


Xulka Qaranka Nigeria oo heystay Koobkan ayaan ka qeyb geli doonin, maadaama uu ku haray tartamada Is reeb reebka ahaa.

Sidoo kale xulka Morocco oo marti gelin lahaa Koobkan ayaa iska diiday, kadib markii uu ka baqay cudurka Ebola oo fara ba’an ku hayay dalalka galbeedka Afrika.

 

Laakiin Equatorial Guinea ayaa qaadatay Go’aan geesinimo leh, waxayna ku dhawaaqday inay marti gelineyso tartanka, waxaana sidaas looga saaray tartanka Morocco.

Hadaba Xulalka ayaa sidan isugu aaday:-

Group A: Equatorial Guinea, Congo, Gabon, Burkina Faso
Group B: Zambia, DR Congo, Cape Verde, Tunisia
Group C: Ghana, Senegal, South Africa, Algeria
Group D: Ivory Coast, Guinea, Cameroon, Mali 

contact@afkashacabka.com