
Qodobo Laga Soo Saaray Shir-Madaxeed Ururka IGAD Uga Socday Addis Ababa
Shir Madaxda dalalka ku Midoobay Urur-goboleedka IGAD uga socday magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya oo uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya-na ka qaybgalay
AFKASHACABKA.COM
ayaa laga soo saaray War-murtiyeed lagaga hadlay xaaladaha ay ku sugan yihiin dalalka Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed iyo qarrimo kale.
Qodobada War-murtiyeedka IGAD ee ku aaddan Soomaaliya ayaa u qornaayeen sidan:- Qodobka 20-aad: ayaa lagu bogaadiyay Soomaaliya horumarrada laga sameeyay howl-galladda lagula dagaalamayo Al-shabaab; iyadoo si kulul loogu cambaareeyay dilalka ay Al-shabaab iyo malleeshiyaadka kale u gaystaan dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed; waxaana dalalka ka caawinaya Somalia xasilloonida loogu baaqay in ay si habeysan ay u fuliyaan howl-galladooda.
Qodobka 21-aad: ayaa looga codsaday IGAD, dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya iyo beesha caalamka inay ka caawiyaan Soomaaliya dadaallada lagu dhisayo maamullada goobaha la xoreeyay. Qodobka 22-aad: ayaa loogu baaqay ururka IGAD iyo beesha caalamka inay taageeraan dadaallada xooggan ee lagu dhisayo ciidammo Somalia oo xirfad laguna xoojinayo iyo in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka ku dhaqan goobaha laga saaray Al-shabaab.
Raysal-wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh oo ka qayb-galay
shirweynaha 25-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxweynayaasha IGAD ee maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa, ayaa soo dhaweeyay taageerada loo fidiyay Soomaaliya iyo heshiiska Koonfurta Suudaan, wuxuuna ku baaqay in si deg-deg ah colaadda weli ka taagan Koonfurta Suudaan, si loo joojiyo colaadda halkaas ka aloosay, isla markaana ay muhiimka u tahay cunno-yari soo foodsaartay dalkaas.
Sidoo kale, Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa intii kulanku socday ka jeediyey Warbixin uu kaga warramay xaaladda Soomaaliya iyo dedaalka ay Xukuumaddiisu ugu jirto soo celinta xasilloonida dalka. Waxaana Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed waxa uu ka warbixiyay howl-gallada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMSIOM ay gobollo ka tirsan Soomaaliya ka wadaan iyo sida ay uga go’an tahay in gabi ahaanba lasoo af-jaro dhammaan goobaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Soomaaliya.
"Urur IGAD wuxuu kaalin muuqata ka ciyaaray wada-xaajoodka iyo tallaabooyinka lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ka taagan gobolka, gaar ahaana xasilloonida Somalia iyo ka hortagga colaadda Koonfurta Suudaan.” Sidaa ayuu yidhi Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed.
Waxaanu Raysal-wasaare Cabdiwali intaa ku sii daray oo uu yidhi; "Soomaaliya waxay khibrad u leedahay dhibaatooyinka ay gaajada iyo macluushu ku leedahay dal iyo dadkiisa; haddii aan si deg-deg ah looga hor-tagin. Waxaan ku baaqayaa in sida ugu dhaqso badan looga jawaabo dhibaatadaasi cunna-yarida ah ee ka jirta Koonfurta Suudaan, haddii aan laga la iska xilsaarin waxay isku bedelaysaa musiibo bani’aadannimo.” Raysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaan kooxaha ku dagaallamaya Koonfurta Suudaan ay aqbalaan in si nabadgalyo ah loo gaadhsiiyo gar-gaarka bani’aadanimo dadka dhibaataysan.
Qodobo Laga Soo Saaray Shir-Madaxeed Ururka IGAD Uga Socday Addis Ababa
Shir Madaxda dalalka ku Midoobay Urur-goboleedka IGAD uga socday magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya oo uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya-na ka qaybgalay