Soomaaliya: 10 Qof Oo Wariyayaal Ku Jiraan Oo Ku Dhintay Qarax Iyo 30 Kale Oo Dhaawacmay

0
Friday December 05, 2014 - 23:43:13 in by salman abdi
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya: 10 Qof Oo Wariyayaal Ku Jiraan Oo Ku Dhintay Qarax Iyo 30 Kale Oo Dhaawacmay

    Ugu yaraan 10 ruux oo ay ku jiraan wariyeyaal ayaa ku geeriyooday in ka badan 30 kale oo ay wariyeyaal ku jiraanna dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaadhay weerar is-miidaamin ah oo gellinkii dambe ee maanta lala beegsaday makhaayad ay dad badan jooge

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 10 ruux oo ay ku jiraan wariyeyaal ayaa ku geeriyooday in ka badan 30 kale oo ay wariyeyaal ku jiraanna dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaadhay weerar is-miidaamin ah oo gellinkii dambe ee maanta lala beegsaday makhaayad ay dad badan joogeen oo ku taalla badhtamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ee dalka Somalia.


 


Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxa ku jiray laba wariye oo ka mid ah kuwa ka howlgala Baydhabo, kuwaasoo uu ka mid ahaa Cabdulqaadir Maynot oo ka tirsanaa wariyeyaasha Somali Channel Tv.

"Nin miineysan ayaa markii hore isku qarxiyay makhaayadda, markii dambena gaadhi ay ka buuxeen waxyaabaha qaraxa ayaa lala beegsaday” sidaa waxa warbaahinta u sheegay qof goob-jooge ahaa, waxaanu intaasi ku daray "Qaraxa gaadhiga ayaa ahaa mid aad u xoog badnaa marka loo eego qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Baydhabo ka dhici jiray, dad aad u badan ayaana ku geeriyooday”

Makhaayadda ismiidaamintan lala beegsaday ayaa waxaa xilligaa ku fadhiyay dad badan oo ay ku jiraan wariyeyaasha ka howlgala Baydhabo iyo qaar ka tirsan ergadii wax ka dhisay maamulka saddexda gobol ee uu Madaxweynaha ka yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Bishii May ee sanadkan ayay ahayd markii qarax is-miidaamin ahaa isla makhaayaddan lala beegsaday, iyadoo Al-shabaab wakhtigaa sheegatay inay bartilmaameedsanayeen wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga maamulkii lixda gobol, C/fataax Geeseey.


Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka dhaca Baydhabo intii lagu jiray sanadkan 2014-ka, welina ma jirto cid sheegatay weerarkii shalay , mana jiro hadal kasoo baxay hay’adaha amniga gobolka Bay iyo kuwa Baydhabo. 




Contact@afkashacabka.com