Nabad Ninkiii ana Haysan Baa Garta, Caafimaadka Ninkii Aaan Qabin baa Dareesan:- Qaybti 3 –AAD By Eng- Mahbuub

0
Saturday December 06, 2014 - 12:15:25 in by salman abdi
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabad Ninkiii ana Haysan Baa Garta, Caafimaadka Ninkii Aaan Qabin baa Dareesan:- Qaybti 3 –AAD By Eng- Mahbuub

    Waan idin Salaamay Dahamaantiinba Akhristow Meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinkaiftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waan idin Salaamay Dahamaantiinba Akhristow Meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinkaiftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan

 

taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay Sida ay Bulshadeenu isku dhinacyaacay caqligoodiina uga madhanyahay isu tanaasulkii iyo wada hadaladii ugana dhiiranayaaa Mudaharaado iyo Dhiiga Masaa kiinta oo La qubo.

____________________________________________________________06/12/214__

Aragtidaydani maahan mid cid gaar ah ku Foolan ama farta ku fiiqaysa Balse waa Fikir Aqooneed oo aan Jecelahay in aan Bulshadda Reer somaliland ku Dareensiiyo Waxa ay Haystaan ee La raba in ay Adkeestaan iyo Waxa aanay Haysan ee La rabo inay Raadsadaaa

 

 

Waxaan hadalkaygaaas ugala jeedaa Maanta somaliland Caafimaad iyo Banad bay haystaa ugu na faantaa dalalkeeda kale ee la deriska ah, inagiina ma dareen sanin nimcadaas ialahay inagu manaystay, oo mar kastoo arin yar oo siyaasad ahi dhacda ba waxa aad maqlaysaaa ama aad arkysaa intaas oo qof baa dhimatayintaas oo qof baa dhaawac matay. taasna waxaan u leeyahay anigushlay waxaad wada aragteeen Sida ay Noqotay xaalada Dalkeena in ay aad u qasantahay noqotayna mid u eeg sida Tan Xamar ka Jirto oo kale oo Dadkii Jicilsaan oo dhami Farta wadnaha ku hayeen ilahayna Ka Baryayeen in uu inaga Qaboojiyo oo aanu dib inoogu celin rafaadkii iyo silicii Dagaal uu leeyahay ee ay bulshadda Reer somalinad horey usoo mareen.

 

Mid waxaan leeyahay Dhalinta da-yarta ah ee Reer Somaliland

Midna waxaan leeyahay Siyaasiyiinta

Midna waxaan Leeyahay Goloha Baarlamaanka.

Midna Waxaan Leeyahay DOWLADDA

Midna waxaan leeyahay Beesha Caalamka

Mid waxaan ka leeyahay Nabadda Ma adaa u baahan mise iyadaa kuu baahan.

Mid waxaaan leeyahay Nabad yaa keena maxaase lagu ogaan karaaa

Midna waxaan ka leeyahay is waafajinta Dhalinyaradda iyo Nabadda

Mid waxaan ka leeyahay Dhalinyaradda iyo Hogaanka Nabadda

…………………..Iyo Qaar Kaloo badan…………………..

 

 

Maqaalkii Kan Ka Horeeyay waxaan aan Fariintaydda u gudbiyay Siyaasiyiinta reer Somaliland.

Balse Qoraalkayga Maanta waxa aan kula Hadlayaa oo Rabaa in aan Kalmad idhaahdo Goloha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, dhankale hadiiloodhigo noqonaya Golaha Sharci dejinta Qaranka.

 

Mid baan leeyahay xildhibaanadda baarlamaanka.

 

Mid waxaan leeyahay Xildhibaanadda baarlamaanka, Xildhibaan hortu marka hore ma ogtahay in kursiga ama magacan xildhibaan nimo aad sheeganaysaa Fadligiisa aad ugu Fadhidid Bulshadii ku soo dooratay ee Fartooda kugu soo fadhiisisay Golahan dhexdiisa.

 

Mudane mid ma ogtahay in kursiga aad manta isku giijinaysaa aad ku mudo dhaaftahay intii logo talo galay ee uu sharciga aad gacanta ku haysaa ku baneeyaya ee uu ku siiyay.

 

Mudane xildhibaan ma ogtahy in markii lagu dooranayahay ereyadaad ku ololayn jirtay ama aad isticmalai jirtay ay ka mid ahaayee” Horumar baan keenayaa, dadka wax baan u qabanayaa , dhalinyaradda waan dhiiri gelinayaa”

 

Intaaas waxaan ku xasuusinayaa mudane xildhibaan waxa weyaan soomaludu caado ahaan kal ilowda ay leedahay oo kal xasuus malahan badanaaa.

 

Taasna waxaan uga socdaa mudane xildhibaan , Dalku haduu manta ILAAHAY caza wajala inagu ma keenee ma is waydiisay cida ugu horaysa ee Nabad daradaas wax ku waayaysa ee Effect-ga koobaad uu saamaynayo.

 

Mid kale se ma ogtahay hadii nabadan aan haysano wax soo gaadhaaan cida ugu horaysa ee Gaajo u bakhtiyaysaa in aad adigu kow ka tahay oo aad ku waayaysid mushaarkaagaas Kumanaanka Dollar ah.

Hadaba mudane Xildhibaan intaas waxaanku xasuusinayaa oo rabaa in aad ogaatid in nabadu faaido inoo tahay oo dhamaanteenba ina wada saamaynayso hadii wax inaga gaadhaan.

 

Waxase lagaa rabaa mudane xildhibaan in aad ka wada sahqayno ama aad ka shaqaysidba sidii mar kasta loo taageeri lahaa Nabadda, loona noolayn lahaa isku tanaasulka iyo wada hadlaka.

 

Maahan in aad maalin kasta lasoo taagnaano tv yada canbaarayn in xildhibaanadii lasoo doortaa is haysta oo la xidh xidhayaaa.

Xildhibaan nabada an ka shaqayno si aad adna u shaqaysatid.

 

ØQalbigii Nabada ku Raaxaystaa wuxuu malabka ka gurtaaa Tuulo kasta.

 

ØAaan u noolaanlo Nabad, ilaa ayn u Dhimano Nabad, Adeegu maahan Geeida ee waa Nolosha.

 

 

ØIn aynu Nabadda ilaashano ayaa Ka adag in aynu Beerno.

 

ØNabadu kuma timaato wada Hadalo ee waxay ka timaadaa Quluubta dadka iyo Afkaartooda.

 

 

ØMarkaad Nabadda ka Dareentid Gudaha Naftaada, ayuun baad Noqon kartaa Mid kula Noolaada Dadka Daris kiisa ahna Nabadd.

 

ØGuulaha Dhabta ahi wa Guulaha Keena Nabada, balse maaahin Xisbiga keena Nabadda.

 

.

 

 

 

 

LASOCO QAYBA 4-AAD

 

 

Waad Mahadsantihiin

 

QALINKII :- Eng Mahbuub Hussein Ismail

Email: engmahbuub@hotmail.comTell: 0634331708/0659309754Burao Somaliland


Facebook Account :https://www.facebook.com/MrBura0


Official Page :https://www.facebook.com/MrBurao