DIIWAAN GALINTU WAA FURSAD DAHABI AH OO AAN DIB LOO HELI DOONIN EE HALAGA FAA'IIDAYSTO. QALINKII: AHMED ABDILLAHI JAMA

0
Sunday December 07, 2014 - 08:29:24 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DIIWAAN GALINTU WAA FURSAD DAHABI AH OO AAN DIB LOO HELI DOONIN EE HALAGA FAA'IIDAYSTO. QALINKII: AHMED ABDILLAHI JAMA

    Ummad waxay dhamaystirantaa qaranimadeedu marka la helo waxyaabo badan oo ah waxyaabaha aanay kamaarmin qaranimada iyo muwaadin nimadu taas oo ah waxyaabo ay kaga duwanaadaan dadyawga kale waxaana kamid ah arrimahaas:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ummad waxay dhamaystirantaa qaranimadeedu marka la helo waxyaabo badan oo ah waxyaabaha aanay kamaarmin qaranimada iyo muwaadin nimadu taas oo ah waxyaabo ay kaga duwanaadaan dadyawga kale waxaana kamid ah arrimahaas:

1.1:In la helo dhul ugaar ah oo aanaynoqon meel cidkastaaba iska sheegato ee ay noqoto meel ay umad gaar ihi leedahay.

2.2:In ay yeelato calan ugaar ah oo ay kaga duwanaadaan calamadada dadka kale wadamadooda.

3.3:In uu jiro nidaam iyo dastuur ugaar ah oo aanay cidkale wax la wadaagin

4.4:In la helo aqoonsi ugaar ah oo anaanay cidkale lawadaagin waa inla kala garto kan muwaadinka ah iyo ka an muwaadinka ahayn

5.5:In ay jirto dawlad ka mas uul ah intaas oo arimood ee aan kor kusoo xusnay.

Hadaba akhriste waxa dhacday in wadan keena soomaaliland uu noqday meel aanay cidiba lahayn oo ka Nairobo ka yimaada iyo ka Djibaouti kayimaada iyo ka Adis-Ababa kayimaadaa aanay cidi kalahayn, wuxuuna wadankeenu kamidnoqday meelaha loo yaqaano (free zone) taas waxa ugu wacanina wax kale ma aha, ee waa dii waan galin la’aan waayo dadkeenii malaha wax diiwaangalin ah oo lagaga garto umadaha kale hadii aan sidaasi ku sii soconana waxa aan ku dhacaynaa xaalad halis ah.

Hadii aad ufiirsato waxa jirta hada in qof somalilander ahi aanu marnaba ka talaabi Karin xuduudaha wadamada inala jaar ka ah waxaana markaaba lagu waydiinayaa keen sharcigaagii?

Maxaad udoonaysaa wadan aanad udhalan? Markaaba waxa lagu soo celinayaa wadan kaaga. Hadii isagu uu soogalo wadan keena Somaliland cid wax waydiinasaaba majirto hadaad waydiisana wuxuu kuu gu jawaabayaa halkan macidbaa leh adigu maad haysataa sharciga aad iwaydiinayso , taas marka aad maqashana waad maroora dilaacaysaa , oo waxaad is waydiinaysaa maxaa wadan kiinan loo gu samayn la’yahay aqoonsi ama kaar aqoonsi .

Hadaba cida diidan in kaar aqoonsi la sameeya ma ahacid mu waadin ah, waa cid meel kale katimiday, wadankeenan Somaliland na lama rabto horumariyo in uu wax noqdo waana dad ujeedadoodu tahay in doorashooyinka ay boob kusoo baxaan , iminkana tii uunbay usocdaan, bal ufiirso dadka diidan dii waan galinta dhamaan waadad markoodii hore boob ku soobaxay wadan kana doonaya in ay god ku ku ridaan.

Waxan u sheegayaa raga u bartay in ay boob ku soobax aan ee taa kusoo caano maalay majirto boob danbe wakhtigaasina wuu dhamaaday hadaanad isku kalsoonayn iminkaad dhawdehee iscasil.

Hadaba akhriste maanta( waa fursad dhabi ah) waxa qofkasta oo somalilander ah ku waa jib ah in fursadaa dahabiga ah uu ka faa’ ii daysto maanta haday kusoomartay dib danbaysa kuu soo mari mayso hadaba yaan laguugu sheekayn dhalanteed , ninkan diidan diiwaan galintu ma aha mu waadin somaalilander ah waa qof u adeegaya dano gaar ah oo cid kale dabada kariixayso. Dii waan galintu waa qaranimadaadii waawax aad xaq uleedahay.

Dawlada waxan kula talinlahaa in diiwaan galintaay bilaabaan meelkasta oo Somaliland kamid ah, in cid ay uga heybaystaana ma aha qofka diiwaan galinta diidani waa qof qaranimada Somaliland diidan waa in gacan bir ah lagu qabto oo dawladu diiwaan galinta ay wada gaadhsiisaa dhamaan wadan.




Qalinkii: Ahmed Abdillahi Jama

Contact:Ahmedcabi10@gmail.com