Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil(Saylici) Ayaa Bookhday Guriga Ay Ku Nool Yihiin Xaaskii Iyo Carruurtii Uu Ka Geeryooday Fanaankii Waynaa Ee Maxamed Suleymaan Tubeec Oo Dhawaan Ku Geeryooday Dalka Jarmalka.

0
Friday March 14, 2014 - 21:51:36 in by Super Admin
  • Visits: 1130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil(Saylici) Ayaa Bookhday Guriga Ay Ku Nool Yihiin Xaaskii Iyo Carruurtii Uu Ka Geeryooday Fanaankii Waynaa Ee Maxamed Suleymaan Tubeec Oo Dhawaan Ku Geeryooday Dalka Jarmalka.

    Guriga Madaxweyne Ku Xiggeenku Bookhday Oo Ku Yaala Xaafada Daami Ee Magaalada Hargaysa Waxa Wehelinayey Madaxweyne Ku Xiggeenka Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha, Wasiir Ku Xiggeenka Wasaarada Warfaafinta , Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada , La Taliyaha Mada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guriga Madaxweyne Ku Xiggeenku Bookhday Oo Ku Yaala Xaafada Daami Ee Magaalada Hargaysa Waxa Wehelinayey Madaxweyne Ku Xiggeenka Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha, Wasiir Ku Xiggeenka Wasaarada Warfaafinta , Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada , La Taliyaha Madaxweynaha Ee Arimaha Bulshada Iyo Maxamed Xasan Cali(Waji) Oo Ka Mid Ah Guddida Loo Magaacabay Qaban-Qaabada Aaska Loo Samaynayo Maxamed Saleebaan Tubeec.Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil(Saylici) Ayaa Bookhday Guriga Ay Ku Nool Yihiin Xaaskii Iyo Carruurtii Uu Ka Geeryooday Fanaankii Waynaa Ee Maxamed Suleymaan Tubeec Oo Dhawaan Ku Geeryooday Dalka Jarmalka


Madaxweyne Ku Xiggeenka Iyo Xubnaha Wehelinayeyba Waxa Ay Halkaasi Kula Kulmeen Xaaskii Uu Ka Geeryooday Maxamed Saleebaan Tubeec Oo La Yidhaahdo Khadiija Ismaaciil, Laba

Carruura Oo Uu Dhalay Oo Kala Ahaa Faysal Maxamed Saleebaan Iyo Mahdi Maxamed Saleebaan Iyo Jaamac Saleebaan Tubeec Oo Ay Walaalo Ahaayeen Marxuunka .

Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland Ayaa Qoyska Reer Maxamed Saleebaan Tubeec Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timi Maxamed Saleebaan Tubeec Marxuunkana Eebe Uga Baryey In Uu Naxariistii Janno Ka Waraabiyo .

Maxamed Saleebaan Tubeec Oo Halkaasi Isna Ka Hadlay Ayaa Xukumada Somaliland Uga Mahadceliyey Sida Ay U Soo Sharaftay Waxaana Uu Sheegay In Maxamed Suleymaan Tubeec Lagu Aasayo Magaalada Berbera Oo Uu Ku Dardaarmay In Lagu Aasay Isla Markaana Cida Meel Kale Ku Aasta Ay Gaf Ka Gashay Marxuunka.

Waxa Uu Intaasi Ku Daray Jaamac Saleebaan Tubeec In Ay Ku Dhasheen Gobolka Saaxil Oo Ay Waligoodba Ku Noolaayeen.


Afkashacabka.com
Hargaysa/Ofifice
Contact@afkashacabka.com