Gabadh Somaaliyeed Oo U Dooda Xuquuq Insaanka Oo Abaal Marin Caalamiya Lagu Gudoonsiiyay Dalka Jarmalka

0
Tuesday December 09, 2014 - 08:22:50 in by Burco Office
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Somaaliyeed Oo U Dooda Xuquuq Insaanka Oo Abaal Marin Caalamiya Lagu Gudoonsiiyay Dalka Jarmalka

    Hay'ad fadhigeedu yahay dalka Jarmalka ee Friedrich Ebert Foundation oo ayaa guddoonsiisay abaalmarinta sanadka 2014 ee ay hay'adu ku bixiso arrimaha xuquuqda aadanaha Fartun Adan oo ah haweeney Soomaaliyeed oo u dooda xuquuq insaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'ad fadhigeedu yahay dalka Jarmalka ee Friedrich Ebert Foundation oo ayaa guddoonsiisay abaalmarinta sanadka 2014 ee ay hay'adu ku bixiso arrimaha xuquuqda aadanaha Fartun Adan oo ah haweeney Soomaaliyeed oo u dooda xuquuq insaanka.


 

imageimage

Fartun Aden oo madax ka ah ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee Elman ayaa abaalmarintan ku heshay dadaal ay u gashay sidii haweenka Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa gaar ahaan haweenka dhibaatooyinka ay ka mid tahay kufsiga la kulma. Ururka u dooda xuquuqda ee Elman ayaa ka mid ah ururo faro ku tiris ah oo ka shaqeeya sidii loo dhowri lahaa xuquuqda aadanaha dalka Soomaaliya.

Fartun Aden ayaa waxa ururka ay guddoomiyaha ka tahay uu isku howlaa sidii wacyigelin loogu sameyn lahaa dhibaatooyinka ka dhasha mashaakilaadka qoysaska waxana ay furtay xarumo haweenka ay gargaar ka raadsan karaan sida lagu daabacay wargeyska caanka ah ee Deutsche Welle.

 

imageimage

Waa markii ugu horeysay ee haweeney Soomaaliyeed la guddoonsiiyo abaalmarinta FEF waxaana munaasabadii lagu guddoonsiinayay abaalmarinta Fartun Aden goobjoog ka ahaa dadweyne faro badan. Guddoonsiinta abaalmarintan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa iyadoo 10ka bishan December caalamka oo dhan laga xusayo maalinta xuquuqda aadanaha.

contact@afkashacbka.com