Khiyaamo rag iyo Garaad haween. Qaliikii; Nada Yuusuf Cumar;Q2

0
Tuesday December 09, 2014 - 09:05:21 in by Burco Office
  • Visits: 1635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khiyaamo rag iyo Garaad haween. Qaliikii; Nada Yuusuf Cumar;Q2

    Xaliimo iyo gabadhii u timid ee warka u siday way ballameen, waxayna ku heshiiyeen in ay barri is raacan ilaa 11 ka aroornimo. Markay sida gabadhi uga tagtay Xalimo ayuu Daa'uudna soo galay gurigii oo uu u yimi xaaskiisi Xaliimo iyo carruurtiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaliimo iyo gabadhii u timid ee warka u siday way ballameen, waxayna ku heshiiyeen in ay barri is raacan ilaa 11 ka aroornimo. Markay sida gabadhi uga tagtay Xalimo ayuu Daa'uudna soo galay gurigii oo uu u yimi xaaskiisi Xaliimo iyo carruurtiisi.

Xaliimo waxba may waydiin Daa'uud, waliba waydiin daaye xataa waxba may dareensiin. Waxa ay sugaysa inta waagu bar yaayo ee ay wax kala xaqiijinayso.

Subixii markuu waagii baryay ayay hore u dhammaysay hawshii guriga, adeeg iyo wixii hawl loo bahnaaba galin hore ayay kaga dhigtay. Waxay gaadhay xilligii ay ballantu ku beegnay. Waxa Xaliimo u timid Saaxiibaddeed kadibna waa la is raacay oo la abbaaray dhankii ay ku taalay xafadda kele ee uu daggan yahay Daa'uud.

Waxa ay tageen xafadda Idaacadda oo uu ku yaallo guriga labaad ee Daa'ud. . Xaliimana waxa ay deggentahay xaafadda Calaamadaha. Waa labada cidhif ee magaalada Hargeysa.

Xaliimo sidii loo sii waday ayaa la hor joojiyay guri, wayn oo saddex daaqadood leh, wajahaddiisuna dhagax tahay, mar mar caddaan iyo Buluug ahna lagu shaqlay. Waxa loo sheegay in uu kan yahay guirga uu Daa'uud ku qabo xaaska labaad.

Xaliimo dhagahay taagtay wali ma rumaysna sheekada oo warbaa u laaban. Sababta oo ah gurigan cad maxay ka garan armay been sheegayaan . Waxay waydiisay gabadhii wadday "oo sidee ku rumaysan karaa?"

Waxay ugu jawaabtay "Sug duhurka ayuu imanayaa ee aad in dhahaaga oo shan ah ku aragtide".

Guri ka soo horjeeda gurigii Daa'uud oo ay isku beegan yihiin ayay tageen, waxooga ayay xafaddii la sheekaysteen, qolkii fadhigga ayaa la fadhiisiayay oo leh daaqad dabadda ah. Halkii ayay iska fadhiisatay daaqaddina way furatay si ay uga eegto marka uu soo galaayo.

Waxa lagaadhay Eedankii Salaadda duhur. Dadkii salaadda ayay ka soo dareereen qof walibana waxa uu u soo kacay xaggii gurigiisu ka xigay.
Daa'uud Duhurkii guriga Xaliimo kuma rawaxo. Maxaa yeelay suuqa ayuu ku leeyahay meherad wayn oo Bakhaara. Sidaa awgeed ayuu Xaliimo u sheegay in aanu soo qado tagi karin mar hadday shaqadu ku badan tahay innamada la shaqeeyana ay dhammaan ka wada qado tagaan.

Xaliimo markaa sidaas ayay ku qanacsantahay oo ay u haysatay. Laakin waxkastaba waakuwan maanta caddaanaya.

Ninkii Daa'uud ee bakhaarka aan ka soo rawixi jirin waakan maanta guriga kale ku soo rawaxay. Gurigii ayuunbuu aayar gaadhi soo hor istaagay. Xaliimana waa diyaar oo salaadba xataa ma galine waatan Daaqadda furtay. Judhiiba markay sidaa u aragtay gadhigiisii ayay xammili wayday. Markaasay dabadda u baxday.

Way niqaaMman tahay oo isagu ma garanaayo'e kaabaddii ayay is taagtay si ay aad ugu fiirasato.

Si xarrago leh ayuu gaadhigii uga soo dagay." Alloow nimaan wax ogayn ha cadaabin bay Soomalidu ku maah maahi jirtay."
way eegtay... oo ay haddana eegtay.
"Alla waa isagii, oo sawkan Shaadhkii iyo surwaalkii aan saaka kabadhka uga soo saray xidhan!!"
Hadalladaas iyo ku wo kale ayay caloosha ka leedahay iyada oo dibibnta qaniinsan.

Gurigii ayuu garaacay, walaga furayba. Waa kuwan ku wii yar yaraa ee uu dhalay ka soo hor booday." Aabbo...Aaabbo " isna ku dheg dheg carruurtii.

Xaliimo naxdin af iyo gacan ayay isa saartay...........

 

La soco qaybta danbe,.


Nada Yuusuf Cumar.
Bahda Hiilqalin.