"Safarkii Gobolada Galbeedku,Wuxuu Cashar ka Bixinayaa Xaalada Horumar"

0
Saturday March 15, 2014 - 05:19:13 in by London Office
  • Visits: 1174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Safarkii Gobolada Galbeedku,Wuxuu Cashar ka Bixinayaa Xaalada Horumar"

    Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay face-book, waxaanu qoraalkaasi u dhgnaa sidan:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

safarka madaxwynaha
Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay face-book, waxaanu qoraalkaasi u dhgnaa sidan:-

”Safarkii Gobolada Galbeedka Somaliland, Wuxuu Fariin iyo Cashar nool ka Bixinaya Xaalada Horumar, Amaan iyo Wax wada qabsi ee ka jirta Dalkeena Somaliland.Muddo laga joogo maalmo koobaan ilaa hadda waxaan ku jirnaa safar socdaal shaqo ah oo uu hogaaminayo Madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

waa safar iskugu jira furitaanka Mashaariic horumarineed, dhagax dhiga kuwo cusub, kormeerka iyo u kuur gelida xaalada shacabka ku dhaqan dalkeena Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka hadlayay socdaalka dheer ee weftiga madaxweynaha ee uu ka mid yahay ku marayaan dalka.

Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay face-book, waxaanu qoraalkaasi u dhgnaa sidan:-

"Waxaa xaqiiq ah in himilada siyaasadeed ee xukuumada maanta talada dalka haysa ay salka ku hayso hiigsiga horumar baaxad leh oo qarankeenu ku talaabsado, si taas loo xaqiijiyana waxaa lagama maarmaan ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Waxaa hubaal ah in heer iyo horumar lagu gaadhi karo oo keliya marka la mideeyo awooda qofka, qoyska iyo qaranka isla markaana la soo nooleeyo dareenka ku dhisan iskaa wax -u- qabso
Waxaa wax lagu farxo ah in maanta bulshooyinka ku dhaqan deegaanada kala duwan ee dalku dhamaan diyaar u yihiin in ay gacmaha is qabsaadaan isla markaana ay ka go’an tahay in ay horumariyaan deegaanka ay ku dhaqan yihiin iyo guud ahaanba dalka ay ku noolyihiin.

Waxaan ku faraxsanahay in markii u horaysay jidka isku xidha Borama – Dilla uu dhamaystirmay isla markaana si fudud lagu soo gaadhi karo caasimada dalka ee Hargeysa.

Wuxuu aha jid dhib badan ku hayey dadka iyo gaadiidka dhamaan shacabka Somaliland oo jid kasta waxaa manaafacsada dadka oo dhan, waa guul iyo gallad u soo hooyatay dadkeena iyo dalkeena.

Waxaan ogsoonahay in aan leenahay xeeb dheer oo leh khayraad dihin una baahan in aan ka faaidaysano, si taas loo dhiirigeliyana, Waxaan soo marnay guud ahaan xeebaha galbeed ee dalkeena oo ay kamid yihiin Zaylac, Lughaya iyo Berbera oo aan hadda ku suganahay.

Waxaan dareen farxad leh ku soo dhawaynayaa bulshada u heelan in ay hirgaliyaan dekada Kaluumaysi ee Lughaya, xukuumaduna waxay mar walba u taagan tahay caawinta cid kasta oo cudud iyo caqli horumarineed dalka ku soo kordhinaysa.

Waxaan ku indho qabowsaday aragtida Jaziirada Sacaadadiin oo ku taalla badhtamaha xeebta Zaylac, waa goob kamida kuna wanaagsan in laga dheehdo quruxda dabiiciga ah ee Alle dalkeena ku manaystay.

Guud ahaan intii aan ku gudo jirnay safarkan shaqo, waxaad si dhab ah u dareemaysaa in dalkeena Somaliland isaga oo aan beesha caalamka ka helin deeq iyo dayn midna uu leeyahay dal nabdoon, dawladnimo dhamaystiran iyo dad dareen waddaniyad badan leh.”

Afkashacabka.Com

Contact@Afkashacabka.Com