
Maantana Maxay Odhan?!
Maantana Maxay Odhan?!
W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh
(Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|
1. HORDHAC:
Markaad aragto Madaxweynaha Jam.Somalilandoo ummaddiisa si kalsooni leh u dhex lugaynaya, isla markaana u kuur-galaya
baahiyaha jira iyo muuqaalka nolol-maalmeedka dadweynaha, waxaa ka dhasha
dareen togan oo farxad leh oo saamayn weyn ku leh kalsoonida ay shacbigu ku
qabaan Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa. Sidoo kale, dadweynaha oo si joogto ah u
arka muuqaalka Madaxweynaha ama hadalkiisaba u maqla, waa arrin kor u qaadi
karta rajada iyo yidi-diilada ay shacbi- weynahu ku qabaan Madaxweynaha iyo
Xukuumaddiisba.
Taageerada iyo kalsoonida shacbiga ayaa tartan
adag iyo loolanba loogu jiraa. Kasbasha kalsoonida shacbiguna waa arrin lagama
maarmaan u ah himilada wax-qabadka ee Xukuumadda iyo horumarka uu dalku
hiigsanayo. Habka ugu habboon ee loogu quus-goyn karo af-miishaarka,
si-xun-wax-u-sheega iyo horumar-diidkaba waa Madaxweynaha oo ummaddiisa si
joogto ah ula hadla shacbigiisana ka dhex-muuqda. Arrintan waxa daliil cad u ah
Safarka Madaxweynaha Jam.Somaliland uu ku
marayo dalka, Galbeed ilaa Bari. Warka ugu qiimaha sarreeya iyo hadalhaynta ugu
badan ee ay maalmahan dambe noocyada kala duwan ee warbaahintu ummadda u soo
gudbinayaan ayaa ah Safarka uu Madaxweynahu ku marayo Gobollada Dalka.
2. Xukuumaddii
Dadka, Dalka iyo Danta Guud.
Hoggaanka waayeelnimo iyo
talo-wadaagga uu la yimid M/weyne
Ahmed Silaanyo waxay
kor u qaadday isku kalsoonida, rejada, filashada iyo yidi-diillada shacab
weynaha Jam. Somalilandgudaha iyo dibeddaba. Sidoo kale waxa dib u soo noolaaday qiimaha iyo muhimaddaay Jam. Somalilandu leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo dunida kaleba. Taasoo kor u qaaday hanka, ixtiraamka iyo hadal-haynta ay beesha caalamku dalkeena u qabaan. Saddex sano iyo badh ka bacdi,
waxaynu aragnaa in Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay M/weynaha Jam.
Somaliland Ahmed M.M.Silaanyo ay kasbatay xushmadda iyo ixtiraamka dadweynaha Jam. Somaliland(gudaha & dibeddaba), bulshada caalamka, dalalka deriska ah, ururrada
deeq-bixiyeyaasha iyo dalalka qadiyadda Somaliland sida gaarka ah u daneeyaba.
Wax-qabadka iyo horumarka baaxadda
leh ee ay Xukuumadda M/weyne
Ahmed Silaanyo ku tallaabsatay muddadaa 3-da sano iyo badhka ah, waa arrin si cad u muuqata
oo aan la iska indhatiri karin, Shacbiga Jam.Somaliland ayaana
markhaati ka ah. Haddii aynu wax yar tusaale ka soo qaadano dhinacyada ay Xukuumaddani
horumarka ku tallaabsatay waxa ka mid ah: tayeynta qaybaha kala duwan ee xoogagga
sugidda amniga qaranka taasoo ay maantaba muuqato in xukuumaddu ay ku
guulaysatay in loo dhamaystiro derajadii iyo baahiyihii kale ee aasaa-siga ahaa,
koboca dhakhliga iyo dhaqaalaha qaranka oo saddex-jibbaarmay, waxbarashada iyo
caafimaadka oo ku tallaabsaday horumar laxaad leh, ganacsiga iyo maalgashiga
dalka oo si weyn u kordhay, sahaminta iyo soo-saarka khayraadka dabiiciga ah ee
dalka ceegaaga, dib u dhiska iyo tayeynta waddoonyinka, dib u dhiska iyo
tayeynta guryaha hay’adaha dalka, tayaynta adeegyada guud ee bulshada,
daryeelka danyarta, iwm).
Xagga
Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka ay Jam.Somalilandla leedahay beesha Caalamka, Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay
go’aansatay inay la Gar-naqsato Beesha Caalamka si ay Garowshiiyo uga hesho. Arrintani waxay horseeday Weji
Cusub oo Diblomaasiyadeed oo ah in Jam.Somalilanday fagaarayaasha caalamka ku soo bandhigto qadiyaddeeda, si dhiirran oo aan gabbasholahayna ka sheegato garteeda
iyo xaqa ay ummadda Jam. Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran xor ah oo
xaq u leh inuu helo aqoonsiga beesha caalamka.
3. Gabagabo:
Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay la timid dedaal iyo
wax-qabad muuqda oo aan la iska indho-tiri karin, qofkii in uun
dareen-waddannimo lihina si cad ayuu u arki karaa. Sidaa darteed, ma aha wax
lala yaabo in Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ay la kulanto carqalado iyo xag-xagasho
xeeladaysan oo ay wadaan kooxo iyo shakhsiyaad iyagu mar-walba wata aragti, hammi iyo himilo siyaasadeed oo u gaar ah oo ka duwan ta danta guud ee shacbiga. Kooxaha iyagu mar walba dedaal adag ugu jira in guusha, wax-qabadka iyo
horumarka ay Xukuumaddu ku tallabsato Bulshada loogu macneeyo guul-darro iyo
dib-u-dhac ku habsaday danihii
Qaranku lahaa, Bal Maantana Maxay
Odhan?!
Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ha ku dhiirrato inay si cad oo
toolmoon u difaacato wax-qabadka baaxadda leh ee ay la timid. Guusha ay
Xukuumaddu ku tallaabsato, dhan kasta oo ay tahayba, cidina gaar uma laha oo
cidna lagama xigo lagamana sheegan karo! Waa shacbiga kuwa leh ee u aayi doona horumar iyo guul
kasta oo Qaranka u soo korodha. Markay Xukuumaddu
guulaysato macnaheedu waa Ummadda Jam.Somaliland oo
dhan ayaa Guulaystay.
Shacbiga oo Qira waxqabadka iyo horumarka ay
Xukuumaddu ku tallaabsatay, waa Daliilka Guusha iyo Garowshiiyaha ugu sarreeya
ee uu Hoggaamiyaha iyo Xukuumaddiisu ka heli karaan Ummadda.
W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|
La soco qaybaha dambe.....(INSHA ALLAH)
ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh,





0 

Maantana Maxay Odhan?!
Markaad aragto Madaxweynaha Jam.Somaliland oo ummaddiisa si kalsooni leh u dhex lugaynaya, isla markaana u kuur-galaya baahiyaha jira iyo muuqaalka nolol-maalmeedka dadweynaha, waxaa ka dhasha dareen togan oo...