Manchester City Oo Roma Gurigeeda Ku Dubatay Iskana Xaadirisay Wareega 16 Ka Ee UCL Iyo Bayern Munich Oo Guul Ka Gaadhay CSKA Moscow

0
Thursday December 11, 2014 - 01:25:08 in by Burco Office
  • Visits: 1876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester City Oo Roma Gurigeeda Ku Dubatay Iskana Xaadirisay Wareega 16 Ka Ee UCL Iyo Bayern Munich Oo Guul Ka Gaadhay CSKA Moscow

    Waxaa caawa lagu kala baxay groupka dhimashada ee Champions Leaquega kaas oo ay ku jireen kooxaha Bayern Munich, Man City , Roma iyo CSKA Moscow. Man City ayaa si xaragoleh uga soo talaabsatay Roma oo ay ku tartamayeen kaalinta labaad, waxayna boos k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa caawa lagu kala baxay groupka dhimashada ee Champions Leaquega kaas oo ay ku jireen kooxaha Bayern Munich, Man City , Roma iyo CSKA Moscow. Man City ayaa si xaragoleh uga soo talaabsatay Roma oo ay ku tartamayeen kaalinta labaad, waxayna boos ka samaysatay wareega xiga ee Champions Leaqeuga. Bayern ayaa dhankeeda guul ka gaadhay kooxda CSKA.




Roma Vs Manchester City

city

Inkasta oo uu kulanka ugu adag isla markaana indhaha caalamku si gaar ah u fiirinayeen ahaa, ayayna haddana kooxaha Roma iyo Man City wax gool ah iska dhalinin qaybtii hore ee ciyaarta. labada kooxood ayay ka muuqatay taxadar aad u badan, fursada gool loo fishay ee ugu halista badnayd ayayna daqiiqadii 8 aad heshay Roma kadib markii uu Holebas fursad u helay inuu tijaabiyo Hart, laakiin Joe Hart oo kabtanka kooxda ahaa ayaa fursadaa ka badbaadiyay.qaybtii hore ee ciyaarta ayana ku soo dhamaatay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada kooxoodba soo laabteen iyaga oo ka fiican sidii ay ahaayeen qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana Man City u suurtogashay inay daqiiqadii 60 aad la timaado goolka furitaanka , waxaana gool layaableh ugu farayaraystayt xidigeeda Samir Nasri.kubbad uu ka haley Gael Clichy ayuu Nasri kooxdiisa ugu dhaliyay gool ay aad iyo aad ugu baahnayd, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay City hogaanka ciyaarta kula wareegtay.Nasri

Markii uu goolkan dhaliyay Nasri ayuu xaalku ku sii adkaaday koooxda martida loo ahaa ee Roma, waxaana looga  baahday inay la timaado laba gool .Goolka Nasri ayaana ahaa mid gantaal ah oo aad iyo aad u qurux badan.nasrii

Pablo Zabaleta ayaa daqiiqadii 86 aad sheeda soo xidhay isla markaana kooxdiisa City ka dulqaaday culayska ay kala kulmaysay kooxda ay martida u ahayd ee Roma, Pablo Zabaleta ayaana Citizens u dhaliyay goolka kalsoonida isla markaana niyada ka siijabiyay Roma. Samir Nasri oo ciyaarta iftiiminayay ila markaana doorkiisa ciyaarayay ayaa caawiye ka ahaa goolka Zabaleta dhaliyay.cityy

Kooxda Manuel Pellegrini oo ay ka maqnaayeen kabtankeeda Kompany, Yaya Toure iyo Aguero oo markii hore loo dardar warinayay ayaa si xaragoleh uga soo talaabsaday Roma oo gurigeeda joogta, waxayna ugu danbayn ciyaartu ku soo dhamaatay 2:0 ay Citizens ku gaadhay guul dahabi ah. waxayna sidaa kaga mid noqotay 16 ka kooxood ee u soo baxay wareega xiga ee Champions Leaaqeuga






Bayern Munich Vs CSKA Mbayern

Kooxda Bayern Munich oo iyado xili horeba u soo baxday wareega 16 ka koxood ee Champions Leaqeuga ayaa Allianz Arena ku soo dhawaysay kooxda Ruushka ah CSKA Moscow. Bayern Munich oo kaliya ka fikiraysya inay guul ku soo gabagabayso heerka Group-yada ee Champions Leaqeuga ayaa iska ciyaaraysay kubbad raaxoleh isla markaana bilaa walwal ah.

Daqiiqadii 18 aad ayuu difaaca CSKA qalad ku galay Ribery oo ku jiray xerada ganaaxeeda, wuxuuna garsooruhu tilmaamay inay rekoodhe tahay, waxaana rekoodhahaas gool u badalay Thomas Müller. Ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay Bayern Munich ciyaarta hogaanka ugu qabatay. qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 1:0 ay Bayern ku gacan sarayso.

Qaybtii danbe ee ciyaarta ayayna waxba iska badalin dhinaca CSKA Moscwo, waxaana ciyaarta iska sii maamulatay kooxda Pep Guardiola iyada oo qaybtii danbe ee ciyaartana ay Rode iyo Gotze ukala dhaliyeen laba gool oo kale waxayna ciyaartu ku soo dhamaatay 3:0 ay Bayern Munich guushu ku raacay.

rode

contact@afkashacabka.com