
"Madaxweynaha oo badda galay oo dabaalanaya, ayaan daawaday waan ku farxay, waxay ka turjumaysaa inuu yahay madaxweynuhu weli mid xoog ah" Fanaanad khadra daahir
Fanaanadda Weyn ee Khadra Daahir Cigge, ayaa majeeratay horumarka iyo wax-qabadka ay tilmaantay in xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka ka fulisay saddex sanno iyo dheeraad uu xilka madaxtinimadda dalka hayay.
Khadra Daahir Cigge ayaa sheegtay inay ku diirsatay waxqabadka iyo dedaalka Madaxweynaha Somaliland u tafo-xaytay, waxaanay tidhi "Waxaan jeclaystay inaan Bogaadiyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xukuumaddiisu dalka horumarkiisa si weyn uga shaqaysay saddexdii sanadood ee uu xilka hayay. Waxaan xusi karaa oo waxqabadkaasi ka mid ah horumarinta waddooyinka, balaadhinta iyo horumarinta wasaaradaha dalka oo intooda badani ay saddexdaas sano dhisteen dhismeyaal waaweyn oo dabaqyo ah, kuwo kalena ay xarumahoodii hagaajisteen oo dayac-tir balaadhan ku sameeyeen.”
"Imika Madaxweynuhu waxa uu soo maray socdaal dheer oo uu ku soo maray goboladda Awdal, Salal iyo Illaa Saaxil, isagoo magaalo kasta oo uu tagayna furay mashaariic horumarineed, qaarna dhagax dhigay mashaariic, waxa ka mid ah waddooyin, dekadda Lughaya. Waxaan TV-yadda ka daawanayay in dadweynuhu ay raali ka yihiin Madaxweynahooda,”ayay Tidhi Fanaanadda Khadra Daahir Cigge.
Khadra Daahir waxay Socdaalka madaxweynaha ee goboladda ku tilmaantay mid wax ku ool ah, waxaanay tidhi "Socdaalka Madaxweynaha ee goboladda dalka oo dhan uu ku marayaa waa mid faa’iido leh oo ka turjumaysa inuu madaxweynuhu indhihiisa ku arko oo uu ka bogto baahiyaha kala duwan ee magaalooyinka dalka iyo wixii u qabsoomay labadaba.”
"Waxaan TV-ga Horn Cable caawa ka daawaday Madaxweynaha oo badda galay oo dabaalanaya, waan ku farxay waanan ku hambalyaynayaa madaxweynaha, waayo waxay ka turjumaysaa isagoo socdaal dheer soo galay in uu haddana badda galo inuu yahay mid xoog ah, iyadoo ay jiraan dad badan oo si xun wax u sheeg ah oo faafiya warar aan jirin,”ayay intaas ku dartay Khadra Daahir Cigge.
Fanaanaddu waxa kale oo ay u mahad celisay dadweynaha ku dhaqan goboladda dalka oo ay xustay inay iyaguna gacan weyn xukuumadda ka siinayaan dedaaladeeda ay ku hagaajinayso kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com
"Madaxweynaha oo badda galay oo dabaalanaya, ayaan daawaday waan ku farxay, waxay ka turjumaysaa inuu yahay madaxweynuhu weli mid xoog ah" Fanaanad khadra daahir
Fanaanadda Weyn ee Khadra Daahir Cigge, ayaa majeeratay horumarka iyo wax-qabadka ay tilmaantay in xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka ka fulisay saddex sanno iyo dheeraad uu xilka madaxtinimadda dalka hayay.