Hay'adaha Caalamiga Ah Ee Gargaarka bini'aadamimadda Ee Ka Hawl-gala Gudaha Soomaaliya Oo Codsaday Lacag Gaadhaysa $863 Milyan

0
Friday December 12, 2014 - 20:57:44 in by salman abdi
  • Visits: 697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adaha Caalamiga Ah Ee Gargaarka bini'aadamimadda Ee Ka Hawl-gala Gudaha Soomaaliya Oo Codsaday Lacag Gaadhaysa $863 Milyan

    Isu-duwuhu, waxa uu sheegay in markii u horaysay xaalada bina'aadnimo ee Soomaaliya ay ka sii dartay sannadkan aynu ku jirno laga soo billaabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isu-duwuhu, waxa uu sheegay in markii u horaysay xaalada bina'aadnimo ee Soomaaliya ay ka sii dartay sannadkan aynu ku jirno laga soo billaabo



Wakaaladaha Wararka-(HWN)- Hay’adaha Caalamiga ah ee gargaarka Ibna'aadamnimo ee ka hawl-galla gudaha Soomaaliya ayaa dalbaday lacag lagu qiyaasay Siddeed Boqol iyo Seddex Lixdan Milyan oo Dollarka Maraykanka ah, oo loogu tallo-galay in wax lagaga qabto baahiyaadka degdega ah ee ay qabaan Seddex Milyan oo Soomaali ah, sidaanna waxa bayaaniyay Isku duwaha arrimaha bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay, Philippe Lazzarini.

Isu-duwuhu, waxa uu sheegay in markii u horaysay xaalada bina'aadnimo ee Soomaaliya ay ka sii dartay sannadkan aynu ku jirno laga soo billaabo dabayaaqadii sannadkii 2011-kii, waxaanu sheegay in abaarta, colaadda, qiimaha cuntada oo sii kordhaya iyo dagaallada iyo collaadaha baahsan ee ka jira Soomaaliya ay khatar ku yihiin nolosha dadka Soomaalida ah ee tabaalaysan.


Warbixin ay dhawaan soo saartay Qaramadda Midoobay, ayaa lagu shaaciyay in gudaha Soomaaliya ay ku tabaalaysan yihiin in ka badan Seddex Milyan oo Soomaali ah oo u baahan in lala soo gaadho gargaar degdeg ah, iyada hal milyan oo qof oo ka mid ah Seddexdaa Milyan ee qof aanay awood u lahayn in ay helaan baahiyahooda cunto ee aasaasiga ah.

 



Contact@afkashacabka.com