Qaramada Midoobay Oo Ku Baaqay In Gargaar Loo Fidiyo Malaayiin Soomaali Ah

0
Friday December 12, 2014 - 21:38:55 in by salman abdi
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Ku Baaqay In Gargaar Loo Fidiyo Malaayiin Soomaali Ah

    Afhayeen u hadlay Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa ayaa sheegay in ku dhawaad saddex Milyan oo qof oo Soomaali ahi u baahan yihiin gargaar bani'aadanimo oo degdeg ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeen u hadlay Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa ayaa sheegay in ku dhawaad saddex Milyan oo qof oo Soomaali ahi u baahan yihiin gargaar bani'aadanimo oo degdeg ah.

Qaramada Midoobay Oo Ku Baaqay In Gargaar Loo Fidiyo Malaayiin Soomaali Ah

 

(SLT-Hargeysa) – Afhayeen u hadlay Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa ayaa sheegay in ku dhawaad saddex Milyan oo qof oo Soomaali ahi u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo oo degdeg ah. Waxa uu sheegay in Collaadaha iyo Daad ku fatahay qaybo Somalia ka mid ahi ay sababeen Xaalad bani’aadamnimo oo xun.


""Isu-duwaha gargaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya, Philippe Lazzarini ayaa sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya ay ahayd mid aad sare ugu kacaysay tan iyo sannadkii 2011-kii markaasoo ay xaalado aad u daran oo dhinaca bani’aadamnimada ah ka dhaceen Soomaaliya,” ayuu sheegay Afhayeenka Qaramada midoobay Stéphane Dujarric

Qaramada midoobay waxay sheegtay in 20% ay baahiyaha dhanka Cuntada iyo adeegyada kale kor u kaceen qaybo Somalia ka mid ah. Waxay sheegtay in Abaaraha, daadadka iyo Colaaduhu sababeen kor u kac ku yimaada qiimaha lagu Iibsado Raashinka.

 

"Hay’adaha gargaarku waxay sheegeen in ugu yaraan saddex milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin in si dhaqso ah loola gaaro gargaar deg-deg ah, kuwaasoo hal milyan oo ka mid ah aysan helin raashin ay cunaan,” ayuu Sheegay Dujarric.



Contact@afkashacabka.com