Saddex Askarta Puntland Ah Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Galgala

0
Friday December 12, 2014 - 23:27:14 in by salman abdi
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex Askarta Puntland Ah Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Galgala

    Saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland ee fadhigoodu yahay buuraleyda Golis ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen qarax duhurnimadii maanta ka dhacay meel u dhow tuulada Galgala. Waxaana ku dhaawacmay afar kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland ee fadhigoodu yahay buuraleyda Golis ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen qarax duhurnimadii maanta ka dhacay meel u dhow tuulada Galgala. Waxaana ku dhaawacmay afar kale


 

.

Qaraxu wuxuu ka dhashay miino kuwa dhulka lagu aaso ah sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada daraawiishta Puntland.

Askarta dhaawaca ah oo qaarkood xaaladoodu halis tahay waxaa lagu dabiibayaa cisbitaalka guud ee degmada Magaalada Boosaaso. Hasa-yeeshee Mas’uuliyiinta laamaha amniga Puntland ayaa ka gaabsaday inay weerarkaas ka hadlaan, sidoo kale ma jirto cid ilaa iyo hadda mas’uuliyadda qaraxaas sheegatay.

Al-shabaab oo marar badan iyaga iyo ciidamada ammaanka Puntland dagaallo khasaare dhaliyey ku dhex mareen buuraleyda Golis ayaa horay u sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo caynkan oo kale ahaa.

Weerarkani wuxuu noqonaya kii ugu horreeyey ee khasaare geysta ee halkaas ka dhaca laga soo bilaabo markii ciidamada Puntland bishii October ee lasoo dhaafay Al-shabaab kala wareegeen fadhiisimihii ay ku lahayd tuulada Galgala iyo deegaanada hoos taga.


December 2, 2014 markaasoo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo wafdi uu hogaaminayaa booqdeen fadhiisimaha ciidamada ee Galgala, waxaa lagu soo duqeeyey rasaasta hoobiyaha inkastoo ayna wax khasaare ah geysan kuna dhacday meel xoogaa u jirta goobta wafdigu xilligaas ku sugnaa.



Contact@afkashacabka.com