44 jir Reer CANADA ah oo loo aqoonsaday ninka ugu safarka iyo socdaalka badan adduunka kaasoo 23 Sanno Oo Noloshiisa Ah Safar Ku Qaatay 195 Dal
Mr. Globetrotting Mike Spencer Bown oo safar ku tagay 195 dal adduunka ah, oo ay ku jiraan goobo dagaallo ka socdaan oo caasimadda Somaliya ee Muqdisho ka mid tahay, ayaa 23 sannadood kadib soo gaadhay dalkiisa hooyo ee Canada..
Mr. Spencer Bown oo 44 jir ah waxa loo aqoonsaday inuu yahay ninka ugu safarka badan adduunka ee taariikhda soo mara, kadib markii uu safarkiisa ka bilaabay dalka Afghanistan kuna eekeeyey dalka Zimbabwe ee qaarada Afrika.
Waa ninkii ugu horreeyey ee booqde ah ee safarka ku taga dalka Muqdisho intii dagaalladu ka socdaan, halka uu Baghdad tagay wakhtigii Saddam Xuseen haystay ee ciidammada Maraykankuna qabsadeen.
Mr. Spencer marar badan wuu ku dhex lumay qaar ka mid ah dalalkaas, waana la xidhay, halka uu meelaha adduunka ugu khatarsan ee uu booqday waxa uu kala kulmay dhaawacyo iyo xannuuno haleelay, balse intaba wuu ka badbaaday aakhirkii.
Markii uu dalkiisa hooyo ee Canada ka tagay waxay ahayd 1990, Wakhtigaas oo uu ahaa dhallinyaro, wixii ka dambeeyeyna kuma uu laaban oo wuxuu ku jiray safar dal-barasho.
"Waxaan ahaa 21 jir markii aan mustaqbalkayga ka fikiray, waanan fajacay in qof uu sidan oo kale adduunka u arki karo, waxaanan isku qanciyey inaan samayn karo, waanan qaatay go`aakayga” ayuu yidhi Spencer.
Mr. Mike waxa uu dalka Indonesia booqday 20 jeer, Masar laba jeer, Hindiyana lix goor, Cameroon shan jeer, Peru laba jeer, China saddex jeer, qaaradda Afrika daraasiin jeer, waddanka Thailand ku dhawaan 50 jeer buu tegay.
Ninkan oo jeebkiisa iska kharash garaynaayey wuxuu sheegay in aanu lacag la`aan dhibaato ku keenin, waxaannu yidhi; "Wax dhib ah oo xagga lacagta ah imay soo wajihin, sababtoo ah waan xisaabtamaayey, waxaanan seexanaayey meelo jaban, dadka degaannadana waan la noola, waxay samaynayaana waan samayn jira,.”
Ninkan waxa xidhay sirdoonka CIA ee dalka Pakistan, iyagoo uga shakiyey inuu falal argagixiso ku jiro.
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com