Hudheel China Ku Yaala Oo Qiimo Dhimis U Sameeyey Ragga Buuran Iyo Dumarka Dhuuban, Sababtu Maxay Tahay?

0
Saturday December 13, 2014 - 16:40:44 in by Burco Office
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hudheel China Ku Yaala Oo Qiimo Dhimis U Sameeyey Ragga Buuran Iyo Dumarka Dhuuban, Sababtu Maxay Tahay?

    Hudheel wax laga cuno oo ku yaala Shiinaha ayaa bilaabay in uu qiimo dhimis u sameeyo raga wax ka cuna ee aadka u buuran, sidoo kale hudheelkani waxa uu qiimo dhimis taa la mid ah u sameeyey dumarka aadka u dhuuban ee hudheelka wax ka cuna.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hudheel wax laga cuno oo ku yaala Shiinaha ayaa bilaabay in uu qiimo dhimis u sameeyo raga wax ka cuna ee aadka u buuran, sidoo kale hudheelkani waxa uu qiimo dhimis taa la mid ah u sameeyey dumarka aadka u dhuuban ee hudheelka wax ka cuna.


Na Huo oo ku yaala Chongqing, koonfurta bari ee Shiinaha waxa uu isku dayey in uu soo jiito macaamiil fara badan oo wax ka cuna isaga oo wada in uu qiimo dhimis ku xidhan miisaanka dadka uu u fidiyo dadka cunteynaya sida uu sheegay raadiyaha the China Radio International Website.

Hadii ninka la arko in uu aad u buuranyahay waxaa la soo sameynayaa qiimo dhimis, hadii la arko in ninka wax ka cunaya hudheelkan uu miisaankiisu ka badanyahay 140 kg waxa uu xaq u leeyahay in uu bilaash ku cuno waxa uu doono.

 

Laakiin dumarka ayaa taagan caksiga, waxay xaq u yeelanayaan qiimo dhimis hadii miisaankoodu uu ka yaryahay 34.5 kg sida uu sheegay websitekani.

Hudheelkani waxa uu bilaabay in uu sawirro ku baahiyo baraha bulshadu kuwada xidhiidho kuwaas oo muujinaya macaamiisha oo loo eegayo miisaankooda si loo siiyo dalabaadkooda oo ay ku lamaantahay qiimo dhimis hadii ay muteystaan.

Waxa uu hudheelkani adeegsaday xayeysiis uu ugu magacdaray ‘keen saaxiibkaaga buuran iyo kaaga dhuuban oo bilaash wax uuga cuna hudheelka’.

Xayeysiis mid kan la mid ah ayaa waxaa adeegsaday hudheel kale oo ku yaala magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka sanadkii 2010ka kaas oo cunto bilaash ah ka dhargiyey dadka aadka u buur buuran

contact@afkashacabka.com