Man City Oo Doonaysa Inay La Soo Wareegto Papiss Cisse.

0
Saturday December 13, 2014 - 17:05:05 in by Burco Office
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man City Oo Doonaysa Inay La Soo Wareegto Papiss Cisse.

    Kooxda Man City ayaa baadi goob ugu jirta laacib u buuxin kara booska weerar yahankoodii ree Argentina Sergio Aguero oo dhaawac ku maqnaan doona ku dhawaad bil iyo bar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Man City ayaa baadi goob ugu jirta laacib u buuxin kara booska weerar yahankoodii ree Argentina Sergio Aguero oo dhaawac ku maqnaan doona ku dhawaad bil iyo bar.


Aguero ayaa u dhaliyay kooxdiisa 14 gool 15 kulan oo uu u saftay xiliciyaareed kan waxaana soo baxaya in kooxda macalin Pellegrini ay doonayso weerar yahanka Newcastle United Papiss Cisse.

Daily Star ayaa shaacisay in kooxda lacagta badan ee Man city ay isha ku hayso laacibkii 2-da gool ka dhaliyay kooxda Chelsea ee Papiss Cisse si ay u keenaan Etihad suuqa kala iibsiga ee bisha janaayo.

Tababare Pellegrini ayaa sidoo kale isha ku haaya weerar yahanka kooxda West Brom Saido Berahino iyo weerar yahanka Aston Villa Christian Benteke.

conatcat@afkashacabka.com