BORAMA: Dibad-bax Maanta Lagu Taageeray Suldaan Fallaagoobay Iyo Rasaas Dhacday + DAAWO

0
Saturday December 13, 2014 - 20:17:38 in by salman abdi
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BORAMA: Dibad-bax Maanta Lagu Taageeray Suldaan Fallaagoobay Iyo Rasaas Dhacday + DAAWO

    Magaalada Borama ayaa waxa maanta ka dhacay dibad-bax socday muddo kooban, kaasi oo ay dhigeen dhallinyaro la soo abaabulay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Borama ayaa waxa maanta ka dhacay dibad-bax socday muddo kooban, kaasi oo ay dhigeen dhallinyaro la soo abaabulay


 


Dhallinyarada Mudaharaadka dhigay ayaa waxay siteen boodhadh ay ku taageerayaan Suldaan Abubakar Wabar, kaasi oo ka fallaagoobay Somaliland isla-markaana Maleeshiyaad ku urursanaya buuralayda gobolka Awdal.

Dhallinyaradan ayaa boodhadhka ay siteen la dhex maray badhtamaha Magaalada Borama, iyaga oo ku qaylinayey weedho ay ku taageerayaan Suldaan Wabar "Ha noolaado Suldaan Wabar” ayaa ka mid ahaa weedhaha ay ku dhawaaqayeen Dhallinyaradaasi. Hasa-yeeshee ciidamada ammaanka oo markaasi ka dib ku soo dhex dhacay ayaa rasaas ku kala dareeriyey dhallinyaradaasi.


Lama oga ilaa hadda in dhallinyaradaasi qaarkood la xidhay iyo in kale, maadaama oo aan Maamulka Gobolka Awdal ka hadal dhacdadan oo la sheegayo inuu ku dhaawacmay hal qof oo uu jiidhay gaadhi ka cararayey dhagaxaan dhallinyaradu ku tuurayeen booliska.



Contact@afkashacabka.com