
Gaadhigii Guddoomiye Ku-Xigeenka Hay'adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland Oo Ku Qalibmay Magaaladda Badhan+ Khasaaraha Ka Dhashay Shilkaasi
Gaadhigii Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland ayaa ku qalibmay magaaladda Badhan, waxaana ku geeriyooday Dirawalkii gaadhigaasi waday oo la odhan jiray Maxamed Sugule, halka Askarigii ilaalada u ahaa oo dhaawac culus ka soo gaadhay, iyadoo gaadhigii burbur xoogani soo gaadhay.
Lama garanayo sababta shilka dhalisay hase yeeshee sida la soo sheegayo in gaadhigaasi xawaare ku socday markii uu qalibmay hase yeeshee sida uu ku soo waramayo Guddoomiye ku-xigeenka wax khasaare ah oo ka soo gaadhay illaa hada ma jirto. Dhinaca kale,
wararka naga soo gaadhaya magaaladda Badhan ayaa sheegaya in shaqaaqo ka dhalatay laba nin oo lagu dilay deegaanka Xabaala Shaabale kuwaas oo la kala odhan jiray Muuse Ducaale iyo Axmed Maxamed ay ka aloosan tahay deegaankaas,
isla markaana ay socdaan dedaalo lagu daminayo xaaladd colaadeed oo ka abuurantay. Dhinaca kale, Deegaanka Badhan ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaqdhaqaaq Ciidan ka wado abaanduulaha Daraawiishta Puntand ugu magacaaban Gobolkaasi, hase yeeshee ma jiraan wax talaabo ah oo uu illaa hada qaaday.
xigasho: Togaherer.com
Gaadhigii Guddoomiye Ku-Xigeenka Hay'adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland Oo Ku Qalibmay Magaaladda Badhan+ Khasaaraha Ka Dhashay Shilkaasi
waxaana ku geeriyooday Dirawalkii gaadhigaasi waday oo la odhan jiray Maxamed Sugule, halka Askarigii ilaalada u ahaa uu.....