Daawo Muuqaal/Sawiro : Madaxwaynaha Somaliland Oo Koob La Gudoonsiiyay

0
Sunday December 14, 2014 - 12:59:22 in by salman abdi
  • Visits: 688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Muuqaal/Sawiro : Madaxwaynaha Somaliland Oo Koob La Gudoonsiiyay

    Madaxweynaha oo isna uga mahadnaqay muwaadinkan sida uu u dhirigeliyey da'a yarta dalka ayaa sheegay inuu u qushuucay ka dib markii uu indhihiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha oo isna uga mahadnaqay muwaadinkan sida uu u dhirigeliyey da'a yarta dalka ayaa sheegay inuu u qushuucay ka dib markii uu indhihiisa

 Muwaadin Xasan Waraabe Cade oo Madaxweynaha Qaranka Somaliland ku maamuusay koob uu ugu magacdaray horumarinta Garoomada Casiriga ah.


Madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabiley Xubno qurba-joog ah oo uu hogaaminaayey mudane Xasan Waraabe cade ayaa madaxweynaha waxay ku maamuuseen una garteen inuu yahay madaxweyne jecel wanaaga iyo dhismaha dhalinyarada dalka, waxaanay madaxweynaha uga mahadnaqeen sida uu cashuurta uga dhaafay agabka garoomada casriga ah loogu horumarinaayo, isaga oo Xasan waraabe cadena ahaa qofkii ugu horeeyey ee dalka ka hirgeliya garoon casriya fikirkaasi oo u sii gudbay gobolada dalka oo dhan oo uu xasan waraabe cade badankooda gacan muhiima ka geystay sidoo looga hirgelin lahaa.

Madaxweynaha oo isna uga mahadnaqay muwaadinkan sida uu u dhirigeliyey da'a yarta dalka ayaa sheegay inuu u qushuucay ka dib markii uu indhihiisa ku soo daawaday qaarka mida garoomada casriga ah ee lagu ciyaaro habeenkii ka dib markii uu habeenimadii Sabtida madaxweynuhu kormeer ku soo maray goobo dhawr ah.

 

Sida ka muuqata Sawirada waxa madaxweynuhu gudoomayaa koobka horumarinta garoomada casriga ah oo uu ku lamaan yahay rooga casriga ah ee ama dooga casriga ah,

Waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey kulankaasi Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane Cali Axmed Cali, Afhayeenka Madaxweynaha, Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, La taliyaha Arrimaha Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba, Mudane Cabdifataax Siciid Axmed.

Halka ay dhinaca Qurba-joogtana ka socdeen Mudane Xasan Waraabe Cade, Cabdirisaaq Maxamuud Saleebaan (Mingiste) Guuleed Cabdi Maxamed Gudoomiyaha, Somaliland Democracy Watch Organisation (SDWO).



Contac@afkashacabka.com