Dhakhaatiir Sheegtay In Nus Malyuun Qof Ay U Dhiman Doonaan Isticmaalka Maandooriyaha

0
Sunday December 14, 2014 - 13:20:06 in by salman abdi
  • Visits: 708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakhaatiir Sheegtay In Nus Malyuun Qof Ay U Dhiman Doonaan Isticmaalka Maandooriyaha

    Kulliyadda Caafimaadka Royal College, ayaa ka digtay in 20-ka sano ee soo socda in ku dhaw laba boqol oo kun oo ka mid ah dadka ku nool England iyo Wales ay u dhiman doonaan isticmaalka maandooriyaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulliyadda Caafimaadka Royal College, ayaa ka digtay in 20-ka sano ee soo socda in ku dhaw laba boqol oo kun oo ka mid ah dadka ku nool England iyo Wales ay u dhiman doonaan isticmaalka maandooriyaha.


 


Warbixin lagu daabacay shebekadda wargeyska caafimaadka Lancet, dhakhaatiirta ugu waaweyn dalka UK waxay iftiimiyeen in laba boqol iyo toban kun (210,000) oo qof ay wajihi doonaan dhimasho lala xidhiidhinayo cabitaanka maandooriyaha inta lagu jiro 20-ka sano ee soo socda.

Warbixintu waxay ku soo beegantay todobaad ka dib markii Raysal-wasaaraha Britian David Cameron uu ballanqaaday inuu tirtirayo cabitaanka khamriga faraha badan oo uu ku sifeeyay "Faddeexad” taasoo lacag gaadhaysa 2.7 billion pound kharash garayn doonta lacagaha loogu-tallogalay caafimaadka qaranka.

Sida warbixintu xustay, ku dhawaad 70,000 oo ka mid ah dadka masiibadani ku soo fool leedahay dhimashadaasi waxa sabab u noqon doona beer-xanuun halka inta kalena u dhiman doonaan shilal kala duwan iyo xannuuno ay ka mid yihiin dhiigkarka, wadne-xannuunka, faaliga iyo kansarka.


 

 

"Gebi ahaan waxay arrintani khusaysaa awoodda Dawladda Britian sidii ay u qaadan lahayd tallaabooyin ay kaga takhalusto dhibaatada cabbitaanka khamriga oo ay ka hortagto xaaladdii ugu xummayd ee xaaladaha dhimashadaas lagaga hortegi karo. " sidaa waxa yidhi Dr. Yet Ian Gilmore oo ka mid ah dhakhaatiirta warbixinta soo saartay.

Dawladda Britain waxay wadaa tallaabooyin lagu yaraynayo isticmaalka maandooriyayaasha, kaasoo ay ka mid tahay in shirkadaha soo saara maandooriyuhu kor u qaadaan qiimaha ay ku iibiyaan, si ay meesha uga baxdo helitaanka khamri qiimihiisu jabanyahay. 



Contact@afkashacabka.com